Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM Qaybtii 7 iyo 8aad

0
530

Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM
(17/10/1984kii – 17/10/2015ka)
“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 7aad
17/10/2015ka, Hargeysa,
Taariikh-nololeedkii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)

Maxamed Xaashi Diiriye oo loo yaqaannay Lixle, wuxu ka mid yahay geesiyada ugu caansan ama ugu magaca dheer SNM. Qof ahaan markii noloshayda iigu horreysay ee aan arkaa ama la kulmaa waxay ahayd intii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee SNM, gaar ahaan bishii Juun sannadkii 1983kii ee uu soo tallaabay ee uu sida tooska ah ugu soo biiray halgankii hubeysnaa ee ka socday tallowga xuduudda aynu Itoobiya wadaagno. Intii muddadaa ka horreysay si qarsoodiya ayuu uga hawl-geli jiray dalka gudihiisa.

Maqal ahaan waxa iigu horreysay xilliyadii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii oo uu deggenaa magaalada Gebilay isaga oo Taliye ka ahaa Teknikadii iyo Taangiyadii dagaalkaa ka qayb-qaadanayay.

Waxaan jeclahay in aan anna culayska iska rido oo aan fursaddan Xuska 31-Guurada uga faa’iidaysto in aan wax aan sidaa u sii badnayn ka idhaahdo saaxiibkaygii aanu halgan-wadaagta ahayn ee aanu muddada aan badnayn ku wada sugnayn goobihii uu ka socday halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd.

Inta aanu goobaha ku wada sugnayn waxay ahayd oo keliya Bishii Juun 1983kii ilaa maalintaa uu shahiiday ee 17/10/1984kii. Intaas oo keliya ayay noo ahaydba, haddana sannadkaasi waqti badan ayuu la macne ahaa marka aad qiimayso kaalintii ma-guuraanka ahayd iyo tii hoggaamineed ee uu halgankaa ummadeed ku lahaa. Sidaa ay tahay waqtigaa gaaban ee aanu SNM ku wada sugnayn haddana mar walba isku meel ma aanu joogin.

Wuxu ahaa nin dhererkiisu dhex-dhexaad yahay. Ma buurnayn sidaana weyd uma ahayn. Timihiisu inta badan waa ay gaabnaayeen waanay yara adkaayeen. Debinta hoose ayaa waxoogaa diirku ka qaadmay oo aad moodaysay in ay soo caddaanayso. Ma hadal badnayn. Ma qosol badnayn. Inta yar ee uu hadlayo murti iyo wax kaa qosliyaba wuu ku hadli jiray. Erey-bixin badan oo SNM-tu lahayd isaga ayaa loo aaneeyaa. Waxa ereyadaa ka mid ahaa ”Faqash” iyo ”Jaxafkii”.

Inta badan wuxu qaadan jiray isku joog ’Jeans’ ah ama ’Shiingee’ qofba sida uu u yaqaanno. Waa intii u nala joogay sidaan ku arki jiray. Kabaha wuxu ka qaadan jiray kabo aan xadhig lahayn isla markaana ilaa kuraanta ku jooga oo aan ku adkayn ee ka yar badan oo haddii uu u baahdo marka uu iska saarayo isaga oo aan siibadda furi jirin ee uu iska dhillin jiray. Socodka iyo jimicsiga aad iyo aad ayuu u jeclaa. Waxaad arki jirtay buur Diri-dhabe galbeedka ka xigtay isaga oo subaxda hore fananaya marna ka soo degaya oo ku jimicsanaya, in kasta oo uu ahaa suufi Qaad-qamax ah. Nin salaad sax ah oo aan salaad salaad ku darin ayuu ahaa. Wuxu halhays u lahaa marka uu arko wax ka yaabiya: ”Cidhibtaada ama cidhibtiinna Alle goo.”

Intan kooban ee aan ka qorayo saaxiibkay Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, waxaan tix-raac ka dhigan doonaa wareysi uu Cabdillaahi Cukuse ka qaaday 1997kii Ciise Curaagte oo ay isku fil ahaayeen Lixle iyo qoraallo aan ka soo min-guuriyay Mareegta Farshaxan oo qoraal dheer ka samaysay noloshii iyo himilooyinkii Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle.

Mareegta farshaxan waxaan ka soo xigtay:

”Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle ku caan-baxay wuxu ku dhashay tuulada Go’da-weyn sannadku markii uu ahaa 1945kii. Hooyadii waxay ahayd Ardo Diiriye Madar oo marka aan qormooyinkan qorayo ku noolayd magaalada Hargeysa. Maxamed Xaashi Diiriye wuxu ugu yaraa shan carruur ah oo ay walaalo ahaayeen. Ilaa shan-jirkiisii ayaa aabbihii oo Burco deggenaa loo geeyay, halkaas oo uu yaraantiisii ka bilaabay malcaamad-quraantii. Lixle waxa loo bixiyay intii uu malcaamad Quraantaa ku jiray sida laga soo xigtay hooyadii mar ay u warramaysay wargeyska maalinlaha ah ee Ogaal. Waxay sheegtay in macallinkii malcaamaddu u bixiyay Lixle maalin ay lix is-laayeen oo uu intiiba iska celiyay. Ciise Curaagte oo ay Dugsigii Hoose wada bilaabeen wuxu is-na sheegay in yaraantiisii la odhan jiray Lixle-daacuun oo uu ahaa wiil ka soo hoyday ciyaalkii ay isku gedaha ahaayeen.”

Bal immikana aan magansado xusuusta Ciise Curaagte oo ka sheekeeyay sidii uu u yaqaannay Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, waxaanu yidhi:

“Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, Ilaahay ha u naxariisto e’, waxaanu is-barannay sannadkii 1952kii. Waa sannadkii aanu soo wada gallay Dugsiga Hoose ee Burco. Waxa lagu naanaysi jiray Lixle. Isaga oo yar oo ahayd beryihii uu malcaamad Quraanka ku jiray ayuu maalin lix koob oo shah ah cabbay oo mar is-raaciyay. Markaas ayay ciyaalkii malcaamadda la dhiganayay Lixle u bixiyeen. Maxamed Xaashi Diiriye, waxa beryahaa anu yarayn loo yaqaannay oo kale Lixle-daacuun. Wuxu ahaa inan yar oo shidaad badan oo ciyaalka laaya. Qof la iska eegi jiray ayuu ahaa.

Dugsigaa Hoose ee Burco markii uu ka soo baxay wuxu ku soo biiray Dugsiga Dhexe ee Sheekh. 1959kii ayuu dhammaystay Dugsigiisii Dhexe. Waxa loo beddelay Dugsiga Sare ee Cammuud, 1960kii markii Dusgsiga Sare ee Sheekh la dhammeeyayna wuxu u soo wareegay Sheekh. Dugsiga Sare ee Sheekh wuxu dhammaystay 1963kii. Xagga tacliinta wuxu ka mid ahaa innammada ugu roon.”

Haddii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, muxuu ku danbeeyay Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle loo yaqaannay? Aan ka gurno ama ka rasaynaba Mujaahid korneyl Ciise Curaagte Xuseen oo ay shahiidka saaxiib ahaayeen isla markaana ay wada shaqayn jireen. Wuxu intii hor ku daray:

“Markii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, wuxu tegay magaalada Muqdisho. 1964kii ayuu ka mid noqday xooggii dalka Soomaaliyeed ama millaterigii. Isla sannadkaas waxa loo diray Akaademiyada Taangiyada iyo Gawaadhida Gaashaaman oo loo yaqaannay ‘Boroolitaangavaya’. Waxa uu soo dhammaystay isaga oo Laba-xiddigle ahaa 1969kii, waqtigii Af-weyne dalka Inqilaabka ku qabsaday wax yar ka hor.”

Bal immikana aan ka boganno taariikhdiisii shaqo iyada oo uu inooga dhici doono saaxiibkii Ciise Curaagte, waxaanu yidhi:

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Xuska 31-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM
(17/10/1984kii – 17/10/2015ka)
“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gebgebteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 8aad
18/10/2015ka, Hargeysa,

“Shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay waxay noqotay Taliyaha Dugsiga Dhexe ee Gaadiidkii Ciidanka. 1971kii markii la laayay saraakiishii inqilaabka lagu eedeeyay ee ay Janaraal Caynaanshe iyo ka midka ahaayeen, wuxu ka mid noqday saraakiil yar-yareyd oo lagu tuhmay in aanay ‘Kacaanki’i aad ula socon. Beddel qasab ah ayaa lagu geeyay ama loogu beddelay Akaademi cusub oo Kismaayo markaa laga furay oo saraakiisha lagu leylyi jiray. Macallin buu ka noqday. Kismaayo wuxu ku suugnaa oo Akaademiyadaa macallin ka ahaa ilaa 1973kii.”

“1973kii mar labaad ayaa canaad ahaan iyada oo la niyad-jebinayo loo soo beddelay Dugsi lagu baran jiray Taangiyada oo laga furay Guutadii 2aad ee Taangiyada. Dugsigaas ayuu madax ka noqday. Dhallinyaro carbis ahayd ayaa lagu bari jiray Taangiyada.

1975kii ayaa loo diray wershed ku taallay magaalada ‘Shitoomir’ oo Xarunta ‘Kiev’ u dhaweyd oo lagu kabi jiray ama dayac-iri jiray Taangiyada nooca 55-ka loo yaqaan. Markii halkaa la geeyay waanu wada soconnay. Siddeed bilood ayaanu halkaa joognay. Markii aanu Soomaaliya ku soo noqonnay waxaanu nimid iyada oo ay dhan yihiin Wershadaha Taangiyada lagu kabo: Tii Muqdisho iyo tan Hargeysa. Wuxu noqday Injineerka Guud ee Warshaddii Kabka ee Hargeysa muddo yar ka dibna waxa bilaabmay dagaalkii 1977kii dhex maray labadii nidaam ee Mengistu iyo Siyaad Barre.”

Mujaahid Ciise Curaagte ha I noo sii wado aqoontii uu u lahaa Lixle:

“Markii la is-qaybiyay waxa isaga lagu soo qaybiyay Kulmiskii Woqooyigan, Qaybta 26aad, ayaa looga dhigay sarkaalka Teknikada ee Kulmiskaa. Markii uu dagaalkaa galay wuxu ahaa Mijir ama Gaashanle, markii dagaalkii dhammaaday wuxu noqday Gaashaanle Dhexe, waxaana la keenay Hoggaankii Farsamada guud ee Wasaaraddii ee Gaashaan-dhigga. Intii uu Hoggaankaa joogay ayuu noqday Gaashaanle Sare.

1980kii iyada oo food-saaro looga dhigay in uu ku jiray Dhaqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed ee SNM ayaa shaqadii laga saaray. Sidaa darted ayaa hoggaankii qarsoonaa ee abaabulkii SNM ugu soo beddelay magaalada Hargeysa si uu hawlaha halganka u hoggaamiyo oo abaabulka SNM gacanta ugu qabto.

Sidii ay arrintu sidaa u ahayd, isaga mar-marsiiyo ka dhigtay in uu dhubbato beer ku leeyahay oo uu ka shaqaysanayo ayuu hoggaan ka noqday Hawl-galkii lagu jebiyay Xabsiga Dhexe ee Mandheera 2/1/1983kii. Markaa ka bacdi waa ay u suurtoobi weyday in uu waddanka gudihiisa ku jiro, waxaanu u soo baxay Qaaxo bishii Juun 1983kii, waxaana markiiba loo doortay Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM, waxaanu ka mid noqday Guddidii Fulinta iyo Golihii Dhexe ee SNM.”

1984kii ayay SNM go’aansatay in ciidammadii Awaare ka baxay gudaha la geliyo oo uu Taliye ka noqdo Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ay si joogto ah gudaha dalka ugu sugnaadaan. Sidaas ayaa Guutadaa Sayid Cali la magac-baxday lagu soo weeraray, bal se cadawgii lagaga guulaystay.

Idinka oo raalli iga noqon doona waa taariikhdii koobnayd ee Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee soo gala SNM. Wuxu ahaa kuwa doorka roon geesiyaashii SNM soo maray. Wuxu ahaa tusaale nool oo lagu daydo. Wuxu ahaa nin keni-adayg iyo dhiirranaan la yaab leh u dhashay oo aan Faqashta iyo dirkeedba aan waxba iskaga tiring jirin. Nin higsi iyo himilaba leh ayuu ahaa. Wuxu ahaa geesi yaqaannay halka uu ka guurayay iyo halka uu geeddi u ahaaba.

Naxariistii janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Gebegebada sheekada:

Shudadu ma aha wax lagu dibbiro-dhacsado sida immika aynu aragno. Shuhadadu ma ahaa wax af-madhan iyo calool naxli dhaamiyay lagu soo qaado. Mana aha wax la isugu tar sheegto oo muxaafid iyo mucaarud laga dhigto wax dadweynaha lagu beer-laxawsado. Weliba dadka kale ha joogaane taa kama ay mutaysan kuwii ay halgankii hubeysnaa bah-wadaagta ku ahaayeen ee maalin kasta oo la xusayaba af-madhnaanta iyo digashada ula yimaadda.

Shuhadadu ma aha wax la yidhaahdo wax ayaynu u qaban karaynay, u qaban karnaa amaba u qaban doonnaa. Ma aha in shuhadadii lagu ololeeyo. Ma aha in agoonta laga dhigto wax cid loogu ololeeyo ama cid kale lagaga ololeeyo sida dhaqanku yahay maanta oo calool-xumo iyo uur-ku-taallaba leh. Ma aha maalin kasta oo shuhadadii la xusayo in makrifoonnada af madhan iyo ballan-qaad aabbihii goblamay agoonta lagu maaweeliyo. Maalinta shuhadadu waa munaasibad iyo maalin u baahan in mashaariic iyo wax-qabad lagu maamuuso. Horaa loogu maah-maahay: “Meel hoo u baahan, hadal wax kama taro.”

Weliba markii maah-maahdaa la sameeyay arrintu hadal keliya ayay ku koobnayde, hadalka maantu waa mid naxli iyo nacba cokan oo aan loo baahnayn.

Shuhadadii dhammaantood mid dedan iyo daalacanba Ilaahay ha u wada naxariisto.

Sidaa iyo nabadgelyo,

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here