RIYADII SAC-MAALADDA: Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Qor/ Maxamed Faarax Qoti. Qaybtii-2aad

0
588

RIYADII SAC-MAALADDA: Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Qor/ Maxamed Faarax Qoti. Qaybtii-2aad

Furaha qiimeynta hoggaaminta boqorkaasina waxay noqotay tii ugu khatarta badnayd ee xirfad ahaan loo isticmaalo, casharada hore ayaa wax laga bartaa.

Sidoo kalena, waxa haboonayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, una dareensan yihiin ee ay fahamsan yihiin, gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hogaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.

Waxay kale oo ay ahaayeen Sac-maaladaas kuwo aad u tixg-aliya boqorka markay horjoogaan oo kaliya laakiinse marka ay ka maqan yihiina waxay aahaayeen kuwo hoos u dhigi jireen, taasi waxa suuragal ah inay sabab u ahayd xirfadahooda shaqo iyo xirfadiisa dabiiciga ah ee ay lahaayeen Sac-maaladaasi oo aad u liidatay, inkastoo aan la odhan karin taasi inay tahay tixgalin dhab ah, balse ay tahay tix-galinta dhabta ahi ta markay ka maqan yihiin ay siiyaan, taasina waa ta’kaliyaata ee qiimaha ixtiraamku mudan yahay.

Inkastoo Boqortooyadaas ay lahayd aragti, awood maamul iyo ujeeddada siyaasadda nolosha dadweynaha taasoo dhamaan dadka rayidka ahi ay u wada hogaansanaayeen waxay ay tilmaamayso siyaasadda maamulkaasi, laakiinse, ka dib markii sac-maaladaas loo qaabeeyey siyaasadda arrimaha muwaadiniinta iinay ku shaqeeyaan xirfada maareynta wax-qabad toosan oo wax ku ool ah iyo farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, taasoo ahayd habka barshada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira boqortooyadaasi.

Sac-maaladu waxa ay u isticmaaleen siffo aad u liita oo ahaa siffo-khaldan kana duwanaa siffaha aynu kor ku soo sheegnay ay u dhigtaan hab far-shaxan illaaqa, musuq-maasuq, danno ay u eekeysiiyeen inay ku tar-tamayaan mabaadi iyo hogaamin ay doonayeen inay ugaga faa’ideystaan danno gaar ah, dannaha caamka ah ee guud, sidoo kalena waxay sac-maaladaasi ay lunsadeen in ka badan malaayiin lacaga taasoo ay ka musuq-maasuqeen dhaqaalihii ka soo bixi jiray iib-geynta subaga laga sameeyo burcadka caanaha lo’da, laga lulo.

Boqorku markii uu ogaadey inay jirto wax-yaabo badan oo laf-jab ku ahaa boqortooyadaasi iyo in loo soo dhex-maray sac-maaladiisa oo ay salaam u noqdeen sidii ay wax-yeelooyin khatar badan oo ay doonayeen inay soo gaadhsiiyaan boqortooyooyinkii cadow ku ahaa boqortooyadaasi, isla-markaana ay ka fuliyaan gudha dalkaasi.

ka dib markiii ay ka war-heleen sac-maaladaasi in la ogaadey haddimooyinkii ay maleegayeen waxay ku dhaqaaqeen inay mar qudhaato qaar ka mid ahaa sac-maaladaasi ay ka dareereen shaqadii loo igmadey, taasoo ay is lahaayeen in ay tahay arrinka kaliyaate ee ay ku wiiqi kartaan habkii geedi socodka ee boqortooyaddaasi.

Waxaana arrintaasi lagu sababeeyey inay ahayd guul ka mid ah guulihiisii uu ku gaadhay guusha boqorkaasi, ka dib markii uu dhigay shax–xeelad farsameysan, taasoo uu kaga wareejiyey subagii ay ka sameyn jireen burcadka laga lulo caanaha lo’da, ee ay sida qarsoodi ah ugu iib-geyn jireen suuqa madow, waxaanay ahayd isha ugu-weyn ee dhaqaalaha ay musuq-maasuqaani uu ka soo gali jiray, waxa kale oo iyana jirtay in marar badan boqortooyooyinkii kale ee xidhiidhka dhow la’lahaa ka soo saareen war-bixino, digniino iyo sawiro muuqaalo fool-xun oo ay ku suureyn jireen dibin-daabyada iyo shirqoolada ay sac-maaladaasi ka wadeen gudha boqortooyadaasi iyo boqortooyooyinka jaarka la ahaa.

la soco …………………………………..
Qor/ Maxamed Faarax Qoti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here