ROMA: R/wasaaraha Talyaaniga oo xilka ka dagaya kaddib afti uu abaabulkeeda lahaa oo uu ku fashilmay

0
360

Ra`iisal wasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay in uu xilka isaga dagi doono kaddib markii ay shacabku afti ku diideen wax ka baddalidda dastuurka dalkaasi oo uu dabada ka riixayay r/wasaaraha qudhiisa.

Afti dadweyne oo shalay dalkaasi ka dhacday ayay shacabku ku diideen in wax laga badalo dastuurka dalkaasi oo u ogolaanayay ra`iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa in ay helaan awoodo dheeri ah, waxaana uu horay u shaaciyay r/wasaare Renz in isbaddalkan uu doonayo haddii uy shacabka u codeyn waayaan in uu xilka isaga dagayo.

” – Waxaan dooneynay in isbaddal aan u keeno shacabka, laakiin waan ku guuleysan weynay arrinkaasi. Sidaas daraadeed waqtigeyga ra`iisal wasaarenimo halkaan ayuu ku egyahay”, ayuu yiri mr. Renzi.

Waxa uu yiri isagoo hadalkiisa sii wata ” – Markaad guul-darreysato, la iskama dhigo sidii in aysan waxba kugu dhici. Italiya ha guuleysato. waxaan aaminsanahay Italiya. Waxaan aaminsanahay dimuquradiyadda”.

Aftida dadweyne oo natiijadeeda xalay saqdhexe lagu dhawaaqay ayaa waxaa inta u dhaxeysa boqolkiiba  54-61 u codeeyeen in aan dastuurka waxba laga baddalin.