Ruushka iyo Shiinaha oo ka hor yimid hindise xabbad-joojin Suuriya oo xalay la hordhigay Golaha Ammaanka

0
347

Ruushka iyo Shiinaha ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday hindise qabyo ah oo la soo hor dhigay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ku baaqay xabbad-joojin muddo toddoba maalmood ah laga hirgaliyo magaalada Xalab ee dalkaasi Suuriya.

Ruushku wuxuu sheegay in dukumentiga uu ku xadgubayo xeerka golaha ee u ogolaanaya in xubnuhu ay qaataan muddo 24 saac ah oo ay uga baaraan degaan kalmadaha.

Maraykanka ayaa arrintaas ku gacan sayray, isagoo ku tilmaamay ‘marmarsiiyo’, wuxuuna sheegay in Ruushku uu doonayo in milateriga Suuriya aysan gacantooda ka bixin guulihii ay dhawaantan ka gaareen Xalab.

Hindisaha waxaa wadajir u soo bandhigay Masar, New Zealand, iyo Spain. 11 xubnood oo golaha ka tirsan ayaa u codeeyey, waxaana diiday Ruushka, Shiinaha iyo Venezuela, halka Angola ay ka aamustay.