SAAMI QAYBSIGA KURAASIDA LABA GOLE QARAN

0
502

SAAMI QAYBSIGA KURAASIDA LABA GOLE QARAN

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, NIN AAN HADLIN HOOYADI QADISAY. Waxaan uga socdaa mudadaa 25ka sanno ah,wax cabasho ah oo la xidhiidha aarrinta kor ku xusan la sheegi mayo. Balse maanta,waxaanu halkan ku caddeynaynaa xaqa iyo xuquuqda naga maqan oo ah mid aanu ka seexanay. Maantase hurdaddi waanu ka toosnay oo waxaanu doonaynaa,waxa ay labada gole ku leeyihiin Beelaha aanu u siman nahay KURSIGA.

Waxaanu la aamusnay oo aanu u hadli weynay,walaalihiin ayaa idiin hadli,oo odhan labada GURAD ma gayaan xubnaha loo qoondeeyey ee labada gole,balse,taasi may dhicin oo beel waliba markay ku qanacday intii loo qoondeeyey ayey ayey furaashka fidsatay,waalidkiina cidlo kaga tageen oo aysan sannadahaas badan waxba iska weydiin.

Haddaba markaan u soo noqdo xaqiiqada ka jirta Saami Qaybsiga labada gole, ma xaqbaa mise waa xaq darro in beeline labada gole ka helaan 19 [sagaal iyo toban] xubnood iyo wax ka sii badan,beeline ay labada gole ka helaan 4 [afar]xubnood oo kaliya, Curradnimo ama waalidnimo ama Sinaan ay siman yihiin,xaq iyo garsoor toona looma eegin …… iwm.

Waxaase jira Su’aal taagan oo aan waxba layska weydiin,habeen iyo maalinna ay guc la orodku kabihiina kaga dhamaadeen,oo ah halka sartu ka qudhuntay ee AQOONSI LA’AANTA dalkan, maxaa innaga hortaagan aqoonsiga aynu gudo iyo debadba dagaalka ugu jirno…. iwm.

Doqonay dabkaa ba’,waxaa kaa hortaagan ama kuu diiday in lagu aqoonsado,waxna iskamaad weydiin hoosna u maydaan eegin walaalahayow, intaas halkaas ayaan kaga baxayaa.

Markaan u soo noqdo nuxurka Saami Qaybsiga, ma xaqbaa inay tirade ay ku soo baxayso xubintaadu inay xubintayduna ku soo baxdo,laba isma qabato waad tiro yar tahay iyo xubintaydu tirade ay kursiga ku helayso adiguna ku hel,waa laba aan is qaban ee wax ha layska weydiiyo. Waa layga tiro badan yahay oo ma diidani,balse xaq soor iyo caddaalad ayey arrintani u baahan tahay ee tira yaraanta ha laygu siiyo tirade aan kursiga ku helayo. Midda kale waan saluugsanahay tirade xubnaha ee wakhtigan xaadirka ah.

Waxaan doorkan doonayaa ugu yaraan labada gole inaan ku lahaado lix[6] ilaa sideed[8] xubnnod oo aan raali ku ahay. Hana layga Qanciyo sababta labada gole aan uga helay afarta xubnood iyo waad tiro yar tahay ee Xubintaydu tirade cod ee ay ku helayso KURSIGA,adna ku hel ….. iwm. ?

Waxxan baaq iyo faariin adag u dirayaa Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda oo si wada jira ay uga go’do talada Saami Qaybsigu. Waana talo waayeel oo si dhab ah loogu guulaysan doono hayaanka loogu jiro AQOONSIGA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND. WAAD MAHADSAN TIHIIN, KOREEYE ILAAHAYNA[SWT] HA IDIIN FUDUDEEYO HALGANKA AAD UGU JIRTAAN HORUMARKA IYO AQOONSI U HELIDDA DALKAN IYO DADKIISABA. WA BILLAAHI TAWFII

Allaa Mahad Leh.

MUXAMMED JAAMAC LIIBAAN.

XOGHAYAHA BEESHA TOLJECLE [ TOLJIRE].

HARGEYSA 28 / 06 / 2016.