SAWIRO: Farmaajo, Jibriil, C/Raxmaan C/Shakuur & Amb Cali Ameeriko oo la siiyay Shahaadada musharaxnimada

0
447

Qaar kamid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo qaatay shahaadada musharaxnimadooda kadib markii ay soo buuxiyeen sharuudihii laga rabay.

Musharaxiinta maanta buuxiyay sharuudaha waxaa kamid ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Markii uu qaatay shahaadada musharaxnimada ayuu TV-Ga qaranka Soomaaliya usheegay inuu ku kalsoon yahay inuu noqon karo madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Ameeriko ayaa si rasmi ah u qaatay shahaadada aqoosiga Musharaxnimo, isagoo buuxiyay dhamaan sharuudihii laga doonayay musharaxiinta

Musharaxiinta kale ee maanta helay kaararkooda musharaxnimada waxaa kamid ah Musharax Jibriil iyo C/Raxmaan Cabdi Shakuur.

Musharaxiinta Maanta Isdiiwaan geliyay

1- Maxamed Cabdullahi Farmaajo

2- Bashiir Raage Shiiraar

3- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

4 – Maxamed Cali Ameeriko

5-Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle.

6- Maxamed Cali Nuur Ameerika

7-  Jibriil Ibraahim Cabdulle

8- Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur

Waxaa horey isku diiwaan geliyay

9- Sheekh Shariif Sheekh Axmed

10- C/qaadir Cosoble Cali

11- C/rashiid Cali Sharma’arke

12- Maxamuud Maxamed Culusow.

Tartanka madaxweynaha Soomaaliya oo hore loo filayay inay 40 musharax isu soo taagaan ayaa hadda u muuqda inuu ku soo koobmi doono labaatameeyo. Maalinta beri ee 29 Janaayo ayaa ah maalinta ugu danbeysa ee diiwaangelinta musharixiinta madaxweynaha.