Saxaafadda Ingiriiska Oo Shaacisay In Messi Ku sii jeedo Premier League

0
371

Saxaafadda Ingiriiska Oo Shaacisay In Messi Ku sii jeedo Premier League

Hargeysa (Warsugannews) Wargeyska The Sun ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska ayaa caddadkiisii saaka daabacay in xiddiga Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi uu ku sii jeedo horyaalka Premier League, uuna ka tegayo Barcelona.

Wargeysku waxa uu sheegay in fadeexadaha musuqa ee la baxsiga cashuuraha iyo warbaahinta dalka Spain oo daba gashay ay ku khasbayso ciyaartoygan in uu ka tago Barcelona, una wareego mid ka mid ah saddex kooxood oo waddanka Ingiriiska ah.

The Sun waxay hoosta ka xariiqday in saddexda ee midkood nasiibka u heli doono Messi ay kala yihiin Manchester City, Chelsea iyo Manchester United kuwaas oo midkooda nasiibka u heshaa ay bixin doonto 180 Milyan oo Barcelona ay ku xidhay xiddigeedan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here