Sh Roobow Abuu Mansuur oo la filayo inuu isku dhiibo DF Soomaaliya

0
420

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa baaq u diray xubnaha ka tirsan Alshabaab inay isu soo dhiibaan maamulkaasi iyadoo cafis guud loo fidiyay.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqanka celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya Xasan Maxamed Xuseen Xasan(Eeleey) oo shaaciyay in dhammaan dadka ku maqan duurka ay is dhiibaan.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhowyenayaan Afhayeenkii hore ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku dhuumaaleysanaya Gobollada Bay iyo Bakool, kadib khilaaf keenay in la khaarijiyo madax sare oo ka dhashay xarakada Alshabaab.

Marar badan ayaa hore loo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ay wadahadallo u socdaan inkastoo aan la ogeyn halka xaaladu ku dambeysay.

Sheekh Roobow ayaa khilaaf soo dhex galay Alshabaab uga baxsaday kooxdaasi oo dil ku xukuntay xubno uu ka mid yahay iyadoo aan warkiisa la maqlin muddo dheer.

 

https://youtu.be/RwTYaTN9isQ