Lucas Moura oo doonaya inuu la sii joogo kooxdiisa PSG

0
362

Laacibka reer Brazil ee kooxda PSG Lucas Moura ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa iyo wararka la xiriirinaya inuu isaga tagi doono dhamaadka xiliciyaareed kan.

24 jirkaan ayaa lala xiriiriyay kooxaha Arsenal iyo Manchester United kadib markii mugdi la galiyay mustaqbalka xiddigaan ee kooxda PSG.

Lucas Moura ayaa sheegay inuu rajaynayo in waqti badan uu la sii joogo kooxdiisa, wuxuuna intaa ku daray inuu ku faraxsanyahay PSG.

“Waxaan rajaynayaa inaan waqti dheer la sii joogo PSG waayo waxaan jeclahay kooxda, magaalada iyo taageerayaasha, tani khibrad ayeey ii tahay” ayuu yiri laacibka reer Brazil.

“Waxaan ku faraxsanahay kooxdayda, waxaanan rajaynayaa inaan la sii joogo mudo dheer” ayuu sii raaciyay Lucas Moura.