Shacabka Gobolka Saaxil Oo Si weyn U Taageeray Maalgashiga Caalamiga Ah Ee Dekada Berbera Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Ay Dhammbaalo Hanbalyo Ah U Direen‏

0
309

Berbera (Warsugannews)-Bulshada ku dhaqan gobolka Saaxil ayaa si weyn u taageertay maalgashiga caalamiga ah ee lagu samaynayo Dekada Berbera,iyagoo sheegay in ay ku farxasanyihiin nimcada qaranka somaliland u soo korodhay,isla markaan waxay shacabka ku dhaqan gobolka Saaxil ku hanbalyeeyeen dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo Maalgalinta caalamiga ah ee marsada Berbera lagu samaynayo.

Shacabka ku dhaqan deegaanada kala duwan ee gobolka saaxil sida,Berbera, Shiilkh , Abdaal, Mandheera ,lafa-ruug iyo bula xaar oo war-baahintu mikirifoonka la dhex-qaaday, ayaa muujiyey in ay si niyadsami ah u taageersan-yihiin heshiiska caalamiga ah ee ay dowlada uu hoggaamiyo Md:Axmed Siilaanyo la gashay shirkada Dp-word ee lagu maalgelinyo Dekada Berbera, waxaanay sheegeen in ay dowlada somaliland ku barbar taagan yihiin maalgelinta lagu samaynayo marsada caalamiga ah ee Berbera,isla markaana bulshada reer saaxil ayaa dhammaalo hanbalyo ah u diray dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo maareeye ENG: Cali Xoor xoor.

Dhanka kalene bulsha weynta ku dhaqan gobolka saaxil ayaa ka waramay faa’iidoonyinka kala duwan ee ku jira maalgelinta Dekada Berbera lagu samaynaayo,waxaanay sheegeen in Dekada Berbera noqonayso mid casri ah, iyagoo intaasi ku daray in ay noqonayso marsada ugu weyn geeska afriga,lagana helayo shaqo abuur ka badan ka hadda,waxaanay xuseen in ay bulshada reer somaliland oo dhani ay waxtar u leedahay maalgelin lagu sameeyo marsada Berbera

Mustafe Guun
Berbera / Somaliland