Sheekh Shariif oo booqday hoteelkii shalay uu weerarka ka dhacay iyo dhaawacyada Isbitaalka Madiina

0
622

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Booqday Hoteelka Dayax oo shalay ay ka dhaceen qaraxyada ismiidaaminta iyo weerarkii foolka foolka ahaa.

Musharax Shafiif ayaa soo indha indheeyay baaxadda ay la’egtahay bur burkii shalay soo gaaray hoteelka iyo daarooyinka ganacsi ee ku xeeran.
Sheekh Shariif ayaa booqashadaasi kadib ayuu waxa uu usii gugbay Isbitaalka Madiina, halkaasi oo ay jiifaan inta badan dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.
Maamulka Isbitaalka madiina ayuu musharaxu ka dhageystay warbixin la xiriirta sida ay yihiin xaalada caafimaad ee bukaanada ku jira Isbitaal Madiina ee qaraxii shalay ku dhaawacmay, wuxuuna intaasi ka dib kormeeray qolalka ay jiifaan bukaanada.
Sheekh Shariif ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee booqda Hotel Dayax ee uu shalay bur-burka xoogani soo gaaray, isagoo kadibna booqday bukaanada ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii hotel Dayax.