Shirkadda Dp World oo ka Hadashay Maalgelinta Dekedda Berbera iyo Muhiimadeeda Geeska Afrika.

0
404

Shirkadda gacanta ku haysa Dekedda caalamiga ah ee magaaladda Berbera ee Dp World ayaa ka warbixisay qaybaha muhiimka ah ee weheliya Terminaalka cusub ee dhowaan xadhiga laga jaray ee dekeda Berbera.

Qoraal kooban oo ay shirkadda Dp World ku qortay boggaga ay ku lee dahay baraha bulshadda ayay ku sheegtay in Ternimaalka cusub ee Koonteerada ee dhowaan xadhiga laga jaray ee dekedda Berbera ay weheliyaan Aagga horumarinta dhaqaalaha ee Berbera,kaas oo ay sheegeen in uu qayb muhiim ah ka qaadanaayo qorshahooda guud ee ah in Berbera loo beddelo xarunta isku xidha Badaha,Wershadaha iyo Saadka geeska Afrika.

Shirkadda Dp World waxa ay sidoo kale qoraalkeedan ku sheegtay in Aagga Dhaqaalaha la horumarinaayo, iyada oo lagu salaynaayo, lagana shidaal qaadanaayo Jebel Cali Free Zone oo Dubai ku taalla,taas oo siinaysa maalgashadeyaasha maxalliga ah iyo kuwa ajaanibka ahba jawi ku haboon maalgashiga iyo ganacsiga.

Waxa sidoo kale qoraalkan ay ku sheegtay shirkadda Dp World in isku xidhka Dekedda Berbera, Meesha Istiraatijiga ah ee ay ku taalo iyo Berbera Corridor oo Ethiopia ku xidhaysa in uu ka dhigi doono Aagga dhaqaale mid yeesha dhamaan waxyaabihii ka dhigi lahaa mid guulaysta,soona jiita maalgashi,abuur ganacsi iyo shaqo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here