“Ninka meel aanu lahayn u soo Hanjabaya waxa loogu Tagi doonaa meel uu leeyahay,”Xildhibaan Buddeeye

0
326

 Xildhibaan Cabdixakiim Cumar  Faarax (Budeeye) oo ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay muhiimada dalka u lahaayeen Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31 Bishii May.

Cabdixakiim Cumar Faarax oo u Waramayay Wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in dadka shacabka baahi u qabaan xeerka furista Ururada Siyaasada ee Golaha Guurtida  ansixiyay,waxaana uu intaasi ku daray in  Golaha Guurtida awood Dastuuriya  u leeyahay in wax ka badal ku sameeyo xeerarka loo soo gudbiyo.

Cabdixakiim Budeeye oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Xeerka Ururada Xeer lambar 14  waa Xeer jiray waxaana Golaha Guurtida usoo gudbiyay Golaha Wakiilada,waxaana Golaha Guurtida xaq u leeyahay in wax ka badal ku sameeyo ama wax ku daro Xeerka.waana qodob Dastuuriya oo awood u leeyahay Golaha Guurtida waana aanu ansixinay Xeerkan.baahi ayaanu u qabay  dadka Xeerka 14,Madaama dad badani u baahan yihiin in ay ururo furtaan,waxaana aan ka filayaa Madaxweynaha Somaliland in saxeexi doono Xeerka Ururada Siyaasada,”.

Xildhibaan Budeeye ayaa  waxa uu  ku amaanay Madaxweynaha Somaliland qabashadii doorashooyinka golaha wakiillada iyo golaha deegaanka. “Doorasho wanaagsan oo Cadaalada ayaa ka dhacday  dalka waxaana aan ku amaanayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku dhiiraday Qabashada Doorashooyinka, waxaana Doorashadani midaysay shacabka Somaliland  waxaana  laga bartay  sidii laysku diwaangaliyay in codka lagu kala helo oo lagu kala baxo,”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay  in Somaliland nabad kula noolaanayso wadamada ay  jaarka  yihiin.waxaana tilmaamay in faraha laga laaban doonin hadii Maamulaka Puntland soo faragaliyo Xuduudaha Somaliland.

Xildhiban Buddeeye waxa uu yidhi”Waxa ay  gaadhay Somaliland bari iyo galbeed Somaliland ayaana ka taliska gobollada bariga oo dhan, Somaliland nabad ayay doonaysaa in ay jaar keeda kula noolaato waxaana ugu baaqaynaa dawladdaha jaar keena in nabadaa nala qaataan.

Hadii faragelin lagu soo sameeyo Xuduudaha  Somaliland faraha laga laaban maayo ninka meel aanu la han usoo han jabaya waxa loogu tagi doonaa meel uu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here