Shirkii Wada Hadalka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya Oo La Soo Gunaanaday iyo Wasiir Xaashi Oo Ka War Bixiyay

0
355

Shirkii Wada Hadalka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya Oo La Soo Gunaanaday iyo Wasiir Xaashi Oo Ka War Bixiyay

“ Wax badan ayaanu arrimihi farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal.” Wasiirka Duulista Somaliland

Hargeysa(warsugannews):- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka war bixiyay shir afar geesood ah oo ay kaga qayb galeen dalka Turkiga isla markaana lagaga wada hadlayay hadawa Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax ka socota Hay,adda Duulimaadyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ICAO. Iyo Madax ka tirsan Dawladda Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Duulista oo galabta dalka ku soo laabtay Ayaa madaarka Cigaal kula hadlay warbaahinta madaxa banana waxaanu sheegay in waxyaabaha shirkaa lagaga wada hadlay waxyaabo badan isku afgarteen oo ah dhanka farsamada isla markaana ay waxaa uu tilmaamay in wixii siyaaasadda ee kala quseeya siyaasadaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ee la xidhiidha dhanka Hawada in lagu celiyo shirka wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

“Horta waxaanu ka qayb gallay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ka furmay dalka Turkiga,shirkaasoo ahaa shir afar geesood ah oo ay ka wada qayb galeen masuuliyiin ka socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya,dalka Turkiga iyo Hay,adda duulimaadydada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO. Runtii waxaa u ahaa shir wayn oo masuuliyiin badani dhanka Somaliland uga qayb gashay oo ay igu wehelinayeen Wasiir ku-xigeenka iyo masuuliyiin kale.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxaa uu intaa ku daray in shirka ay masuuliyiinta Soomaaliya isku soo hor fadhiisteen ee ka qabsoomay dalka Turkiga in arrimaha wada hadalka hawadu in uu yahay mid xaasaasi ah oo u baahan bisayl iyo degenaan oo aan faa,iido lagaga gaadhayn deg deg iyo caadifad. Waxaanu yidhi “ wax Heshiis ah oo aanu kala saxeexanahay ama aanu meel ku ururuninay oo warbaahinta iyo dalalka aanu ka kala nimid ku celinay ma jiro, waxan aan dareensanahay inaad ogaan lahaydeen, hasayeeshee wax ka soo baxay in aanu runtii wax badan ka wada hadlanay arrimihii farsamada, anaga oo kaashanayna Haya’adda ICAO, waxa aan is leeyahay wax badan ayaanu jiclinay.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Waxaa jirta arrimaha hawadu waxay leeyihiin culayskooda maaha mid fudud maaha mid deg deg iyo caadifad lagaga arriminayo waana taa ta loo baahan yahay in ay wada ogsoonaadaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shirkaa aanu Soomaaliya wada yeelanay ee ay nalaga soo qayb galeen madaxda Hay,adda ICAO iyo labada wasaaradood ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Labada dal mid kastaaba siyaasad iyo mabaa,dii ayuu leeyahay oo uu doonayaa in uu hawadiisa ku maamulo waana ta aanu doonayno in labada dal hawadooda loogu soo celiyo, laakiin anagoo duruufaha eegayna oo kaashanayna hay,adda ICAO. Wax badan ayaanu arrimihi farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay oo aanu u daynay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

1

2

IMG_17

IMG_1097

IMG_1098

IMG_1108

IMG_1113

IMG_1116

IMG_1118

IMG_1120

IMG_1121

IMG_1122

IMG_1137

IMG_1154

IMG_1161 - Copy

IMG_1161

IMG_1169

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here