Siilaanyo Dabadii Dalka Maxamuud Xaashi Baa Lagu Aamini Karaa By Mukhtaar Dhalac

0
435

Siilaanyo Dabadii Dalka Maxamuud Xaashi Baa Lagu Aamini Karaa By Mukhtaar Dhalac

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah doorasha hala qabtoo maba xumee dalka maalinta Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo yidhaahdo uma sharaxni ee sharaf kaga tago yaa lagu aaminayaa waa su,aal u baahan in looga jawaabo si aan laab la kac ahayn una baahan in laga fiirsado una baahan jawaab cilmiyeysan.images

mukhtaar dhalac(1).jpg

Hadii aynu sidaa uu eegno siyaasiyiinta Somaliland ee maanta doonaya kurisiga madaxweynenimo siilaanyo dabadii kolay anigu shikhsi baan ahoo markaan qiimeeyey dhamaan raga siyaasiyiinta ah ee hungurigu ka jiro qabashada xilka qaranka ugu sareeya ee Madaxwene dhamantood isku soo wada tuuduuboo midna kumaan aamineen xilkaasi waayo midkastaaba sifo gaara ayuu leeyahay marka laga

reebo hal shikhsi mooyee Somaliland maanta inay ka gudubto darbiga qabyaalada ee ah shalay reer hebel baa xilka soo hayey maanta reer hebelbaa u jeelan, waxaa loo baahan yahay in derbigaasi la dhaafo oo Somaliland 25-sano ayaa la marayaaye in la gaadho hiigsiga ah in la doorto qofka hawlkar ah ee dalka iyo dadka kusoo kordhinaaya horumar muuqda oo la taaban karo.

Inta badan markaan qiimeeyey dad badana aan la tashaday baadhitaan badan aan sameeyey waxaan ku kalsoonaaday sida ay dadka intiisa badani qabaan oo marka aad kala sheekaysato hamigoodu yahay hadii booska Madaxweynaha uu baneeyo siilaanyo cida keliya ee lagu aamini karaa ay tahay Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo noqon kara hogaamiye dhaba islamarkaana leh dhamaan sifooyinkii hogaaminta , waa siyaasi hawlkar ah jecel wanaaga iyo horumarka wuxuuna ku darsaday karti aftahanimo, xilkasnimo dacaad iyo cibaado wanaagsan, bulshada marka aad la sheekaysato mustaqbal hogaaminta Somaliland iyo cida loo dhiibi karo hogaanka wadanka waxay ku odhanayaan siilaanyo dabadii dalka waxaa wadi kara oo hogaamin kara ninka la yidhaahdo xirsi.

Talada aan usoo jeedinaayo qeybaha kala duwan ee bulshada waxay tahay dalkeena inaan u doorano qof hawlkar ah xilka qaranka lagu aamini karo oo ay ka dheertahay musuq maasuq iyo qabyaaladi sidaa ninkaa xirsi oo ah Hogaamiye mustaqbal oo dhaba ilahaayna siiyey karaamo sharaf iyo haybad uu dheeryahay siyaasiyiinta inta kale, waxaa biyo kama dhibcaana hadii dalka Mudane Wasiir Maxamuud Xaashi loo dhiibo hogaankiisa inuu wax badan ka bedeli doono waayo waa nin karti badan siyaasi ah dhalinyaro ah Somaliland halka ay maanta taagan waxay u baahan tahay hogaan kasii qaada oo horumariya cida sidaa samayn karta ee awoodeeda siyaasadeeda, hamigeeda iyo astaamaheeda lehi waa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Alle ha Dayee

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mukhtaar Dhalac

Hargaysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here