Wasiirka Cafimaadka Daljire Xaglo-Toosiye Wuxuu Mudan Yahay Bilad Geesi Qaran Tariikhdaana Xusi Doonta”.Qallinkii .Abdi A.Jama

0
584

Wasiirka Cafimaadka Daljire Xaglo-Toosiye Wuxuu Mudan Yahay Bilad Geesi Qaran Tariikhdaana Xusi Doonta”.Qallinkii .Abdi A.Jama

Sida lawada ogsoonahay Ummad kasta oo dunida ku nooli waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu qoro Diiwaankeeda, taasoo ka turjumaysa maraaxilkii kala duwan ee ay soo mareen, si ay ummaduhu uga faa’idaystaan dhib iyo dheef wixii ay lahayd, uguna dabakhaan horumarkooda dhaqan dhaqaale iyaga dib u milicsanaya sixitaanka hadba wixii hagardaamo soo maray si ay uga taxadaraan casharadii ay ka barteen waqtigiyadii la soo maray.

Haddaba, Ummada Somaliland waxay soo martay maraaxil kala duwan oo taariikheed oo qadhaadh iyo macaanba lahaa loona baahan yahay in looga faa’idaysto masiirkeena hadda taagan.

Sidoo kale

hoggaamiye kasta ama masuul kasta oo xil ka soo qabtay Somaliland wuxuu dhiilka ugu tagayaa wixii uu dhigtay, taariikhduna iyadaa is qorta ee lama qoro, waxana hore loo yidhi; “Been ma sheegto Taariikhdu, Ma Bukooto Taariikhdu, Mana Baqato Taariikhdu”.

Tan iyo intii ay Jamhuuriyada Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay waxay buuxisay dhamaan shuruudihii Dawlad-nimo, waxay leedahay Calan, Lacag, Xudduudo iyo Ciidan Qaran.

Shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo dhismaha dal kasta oo buuxiyey astaamihii haykalka Dawlad-nimo waxa ka mid ah Inaad sugto xuduudahaagga oo ayna cid kale ka talin Si kastaba ha ahaatee waxa waajib inugu ah in la isku ixtiraamo nidaamka dawladeed ee aynu samysanay oo aan ahayn mid hadiyad la inoo siiyay balse ku yimi halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray sidaa daraadeed waxa wanaagsan in la qiimeeyo masuul kasta oo aynu xil u igmano darajaduu doono ha lahaadee waxqabadkiisa laguna amaano wixii waajibaadkiisa ah ee uu fuliyo si uu helo dhiirigalin wixii khalad ah ee uu la yimaadana la saxo oo gees la iska dhigo danaha gaarka ah.

Hadaba waxaan la socona BUUHOODLE in ay Somalind ka maqneyd mudo 24 sano ah oo cadowgeenu uu xalka ka talin jirey waxa aan la socona in reer xamarka iyo reer puntland ama majeerteeniya ay inta inagu bahdili jireen in buuhoodle oo u jirta caasimadda labaad 30 km aynaan ka talinba arinteeduna inagu adkaatey.maanta hadaba waad la socota in ciidankii puntlaan la qabqabtey oo buuhoodle looga quus gooyey,waad la socotaa in xamar coladii laga soo rarey ee cali khaliif galeyd hubka dayuuradda loogu soo rarey waxa uu ku dhigey taasina waxa sameyey waa Daljire Xaglo-Toosiye.

Waxyalaha mucjisadda leh waxa ka mid inaan dhiig ku daadan waad la socota buuhoodle haduu dagaal ka bilaabmo imisa Somalind ah ayaa ku dhiman laha labada dhinacba waxay noqon lahayd KAA DHIMEY OO KUGU DHIMEY!

Maanta Somaliland waa amni kol hadaanu nin cadowi dhex joogin midnimadda .wada jirka iyo jiritaanka Somalind waa mid gaadhey 98% waxaana keeney gobalka buuhoodle ee maanta gacanta Somalind uu soo galiyey Daljire Xaglo-Toosiye.

Waxa uu maanta reer Somalia si cad oo cadceeda u tusey inaan niman Somalind ah dibada laga soo diri karin.wuxu tusey in shicibka reer buuhoodle rabaan Somalind, waa wasiirka aan 60 jeer ka maqley jiritaanka Somalind waa muqadas iyo qaladkii 1960 kii galney dib u gali meyno,

Daljire Xaglo-Toosiye wuxu u quus gooyey kooxihii sida indho-la’aanta u soo fargelin jirey soohdimaheena wuxuuna u hiiliyey dalkiisii waa geesi sharfey Somalind isna waa in ummadda iyo Somalind sharfaan waa astaan qaran xaglo-toosiye.

Sidaa Daraadeed waxa habboon in aan siyaasada lagu dhex qaldin hawlaha Ciidanka oo ah qaar u dhex mucaarid iyo muxaafid-ba, waxana loo baahan yahay in la kala saaro danaha gaarka iyo waajibaadka ciidanka, lal soo gelin Ciidanka.

Akhriste waxaad iiga marag tahay in Daljire Xaglo-Toosiye si masuuliyad iyo Daacad-nimo ku jirto uu u gutay xilkii loo idmaday, waxa la odhan karaa wuxuu noqday masuulkii ama wasiirkii ugu horeeyey ka tiran Dawlada Somaliland ee ka turjumay rabitaankii Bulshada, ku dayasho ayuuna mudan yahay waxaanu inaga mudan yahay in lagu sharfo bilad Geesi iyo shahaado sharaf, taariikhda ayaana sheegi doonta wax-qabadkiisii.

ILAAHAY HA DHOWRO DALJIRAYAASHA SOMALIND

.Qallinkii .Abdi A.Jama

London

daljire99@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here