Sirdoon Jermal ah oo loo xiray hadallo xagjir ah

0
348

waxa qoraya yaasir br

Shaqaale ka tirsan hay’adda sirdoonka ee Jermalka ee magaceeda loo soo gaabiyo BfV ayaa la xiray ka dib markii uu faafiyay macluumaad ay hay’addu leedahay isla markaasna uu sheegay hadallo muujinaya xagjirnimo islaamnimo ah sida ay ku warantay warbaahinta Jermalku.
Afhayeen u hadlay hay’adda sirdoonka ayaan xaqiijinin warka uu daabacay wargayska Die Welt ee sheegaya in ninkaasi uu qorshanayay in uu qarxiyo xarunta ugu wayn ee sirdoonka BfV ay ku leeyihiin magaalada Cologne sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ilaa iyo hadda aysan haynin halis dhab ah oo la taaban karo.
Ninka waxaa lagu sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo Spain uuna Islaamay.
Hay’adda sirdoonka ee BfV waxay sheegtay in ninkani uu hadda haysto dhalasho Jermal ah uuna hadda ka hor u dhaqmayay si aan la dareemi karin.
Ninkan waxaa lagu eedeeyay in uu hadallo xagjirnimo ah ku daabacay internetka isaga oo magac been ah isticmaalaya soona bandhigaya macluumad ay sirdoonku leeyihiin oo uu ka helay meelo ay ku sheekaystaan sirdoonku, sidaas waxaa sheegay afhayeenka sirdoonka.
Wargayska Die Welt waxaa kale oo uu ku waramay in ninkaas uu soo qabtay nin kale oo sirdoonka u shaqeeya oo ay Online-ka ay ku wada sheekaysteen kaa oo uu la wadaagay in ay macquul tahay in weerar dhaco.
Die Welt also reported that the man was caught by an agency informant, with the pair having online conversations about a possible attack.
Madaxa hay’adda BfV ayaa wakaaladda wararka u sheegay horaantii November in ay Jermalka ku nool yihiin 40,000 oo xagjir ah kuwaas oo 9,200 oo ka mid ah ay yihiin Salafiyiin.