SIYAASADAHII GABOOBAY  EE GEESKA AFRICA HORE LOO SOO ARKAY NATIIJADOODA QARNIGII TAGEY AYEY AHAAYEEN COLAADAHA , CADAAWADAHA IYO DAGAALADU , MANA AHA MAANTA IN DIB LOO HURIYO

0
607

SIYAASADAHII GABOOBAY  EE GEESKA AFRICA HORE LOO SOO ARKAY NATIIJADOODA QARNIGII TAGEY AYEY AHAAYEEN COLAADAHA , CADAAWADAHA IYO DAGAALADU , MANA AHA MAANTA IN DIB LOO HURIYO .

( Hadii soomaalidu u aragto in dano qoomiyadeed bilaabmeen waxa iman doonta in somalida Bariga Africa oo dhami midowdo oo ay noqdaan dawlad xoog badan oo khariidad kale sameysanto )

Marka sida wanaagsan loo fikirayo aragti ahaan waxa aan aaminsanahay Ethiopia oo horumarta , iyo Djibouti oo horumarta iyo Somalia oo nabad noqotaa intuba waa danta Somaliland midna Somaliland waxba kaga xumaan mayaan waxa ugu hagaaga mooyaane , iyada oo ay jiraan tartanadu hadana horumarkeenu wuu isku xidhan yahay , hoos u dhaceenuna wuu isku xidhan yahay , iyaguna sidaasi oo kale Somaliland oo aqoonsi hesha oo horumartaa waa wanaagooda iyo ka gobolka guud ahaan.

Shacabka ku nool dalalka  Ethiopia , Somaliland,  Somalia iyo Djibouti waxa ay wadaagaan dano badan oo ka dhexeeya , mana aha umad kala maarmaysa dhinaca iskaashiyada nolosha sababta oo ah Alle ayaa meel ku wada abuuray oo umaduhu way isku wada baahan yihiin.

Marka ay timaado qadiyadaha la kala aaminsan yahay iyo siyaasadu way dhacdaa in marba hogaanka jooga dal siyaasadiisu raali galin waydo dal kale oo halkaa cunfi iyo cadaawadi ka timaado taasi oo marka ugu dambaysa natiijadeedu noqoto dagaalo iyo cadaawado hor leh oo cusboonaada.

Haddaba maanta casrigan aynu joogno iyo marka la eego marxaladihii GEESKA AFRICA soo maray ee qarnigii tagey oo ay ku sagootiday cadaawado iyo dagaalo keenay burbur iyo dib u dhac uu gobolkani kaga hadhay gobolada kale ee Africa iyo guud ahaan aduunka looma baahna maanta in dib loo huriyo , ee waxa la rabaa in waxii hore la bogsiiyo.

Su’aalaha yaala waxa weeyaan Geeska Africa in uu horumaro cidwaliba way jeceshahay , in colaaduhu ka dhamaadaan cidwaliba way jeceshahay,  in cadaawadaha iyo dagaalada lagu badelo nabadgalyo iyo bogsiin waxii hore waa wanaag la soo wada dhaweynayo , e … maxaa la isku diidan yahay ee jira ?

Waxa jira oo dhacda in danuhu iska hor yimaadaan ( Conflict of interest ) ama dariiqyada loo marayaa ay cidiba dhinac iska taagto taasina ay keento kala fogaansho iyo iska diidooyin siyaasadeed oo uu gobolkani galo oo dhalin karta colaado hor leh iyo dagaalo ka cusboonaada gobolka hadii uu u muuqdo mid maalinba cida awooda is bidaa inta kale muquuniso oo doonto in ay uga faaiideysato danaheega.

Marka laga yimaado dalalka gobolkani Geeska Africa waxa jira isaguna awoodo kala hororsi iyo tartano ka dhexeeya qoomiyadaha ku nool gobolka Geeska Africa oo aad u badan kaasi oo dhalin kara cadaawado iyo cunfiyo dib u abuurma oo dhaliya is nacayb dagaalo iyo in umaduhu kala xidh-xidhmaan , taasina maaha mid maanta loo baahan yahay.

Somalidu waxa ay ka mid tahay qoomiyad ahaan quwadaha ugu waaweyn Geeska Africa , hadii haddaba siyaasaduhu u muuqdaan qaar dano qoomiyadeed waxa isweydiin leh maxaa dadka soomaalida ah ugu jira isbadelka Geeska Africa qoomiyad ahaan ee daaiido ah , ama maxaa khasaare ah ee ka soo gaadhi kara siyaasadaha ka socda gobolkani maanta ? Jawaabteedu waxa ay u taalaa dadka soomaalida ah .

Markaa isbadelkageeska Africa iyo arimahamaanta socda ” hadii soomaalidu u aragto in dano qoomiyadeed bilaabmeen waxa iman doonta in somalida bariga Africa oo dhami midowdo oo noqoto dawlad xoog badan ”  isla markaana Bariga Africa oo dhami yeesho waji siyaasadeed iyo qaab ka duwan noocan uu maanta u habeysan yahay.

Haddaba sidaasi oo kale ayaa la doonayaa in dalal ahaana loo xisaabtamo oo la yidhaahdo dalka Somaliland maxaa ugu jira isbadelka siyaasadeed ee ka socda gobolkani Geeska Africa , Djibouti maxaa ugu jira , Somalia maxaa ugu jira , Ethiopia maxaa ugu jira ? oo la isweydiiyo mala gaadhay xili si siman loo xisaabtami karo oo isbadel dano iyo dhaqaale aan is muquunin jirin la gali karo ? Jawaabta waxa aan u dhaafayaa akhristayaasha.

Haddaba waxa aad moodaa in maanta siyaasadii gabowday ee Gobolkani Geeska Africa iyo Jamhuuriyadii Somalia ba ku burburtay in boodhka laga jafayo ,  waxa aan aaminsanahay in hadii dhinacaa loo kaco uu Gobolkani waajihi donna colaado iyo carqalado ka xun waxii hore u soo dhacay oo guud ahaan dadka ku nool gobolkanina aan dantooda aheyn.

Markaa waxa aan soo jeedinayaa in aanu dalna dalka kale ku qasbin rabitaankiisa iyo sida ay danihiisu yihiin , hadii uu taa isku dayona ha u diyaar garoobo foolxumada iyo cawaaqibka ka dhalan doona mustaqbalka dhow , sababta oo ah waxa aad maanta qabanayso waa natiijada waxa aad helayso barito.

Maanta waxa la joogaa goortii gacmaha la is qabsan lahaa ee horumarka wanaaga iyo xalka laga shaqeyn lahaa , dagaalada , colaadaha iyo cadaawadaha gaamurayna lagu badali lahaa nabadgalyo iyo is jacayl  wax wada qabsi iyo walaalnimo la isku ixtiraamayo dalba dalka kale , waxii horumar ah ee la wadaagi karona la wadaago .

Marka aynu hadaba xaqiiqda siyaasadeed ee masnta lagu sugan yahay iyo danta guud ahaan gobolkani Geeska Africa aynu u soo noqono , marka koowaad waa in arimaha #Somaliland  iyo #Somalia  la dhameeyo iyada oo si dhex ah oo aan xaglin iyo dano gaar ahi ku jirin loo galo , waa in la ixtiraamo halgaadii dadka reer Somaliland u soo galeen gobanimada iyo dawladnimada ay maanta haystaan oo 1885 ilaa 1991kii socday.

Hadii la eegayo danaha dadka Somalida ah ugu jira Somaliland oo dawlad noqotaa waxa aan is leeyahay way uga faaiido badaneysaa danihii midnimadii Jamhuriyadii burburtay ee Somalia sababta oo ah , Bariga Africa waxa ka jiraya 3 dawladood oo soomaali hogaamiso iyo laba dawladood oo ay qayb ka yihiin , markaa maadaama ay isku dano yihiin waxkasta oo ay olole ka galaan wuu hirgalayaa hadii ay noqoto IGAD , AU , UN iyo meelwalba oo wax kaga xudhmaan.

Aragtidayda

Muxamed Dhimbiil