Siyaasi Axmed Cali Muuse Oo Si Kulul Uga Jawaabey Warar lagu Baahiyey Qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland

0
382

Siyaasi Axmed Cali Muuse Oo Si Kulul Uga Jawaabey Warar lagu Baahiyey Qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland

Hargeysa(WSN)Siyaasi Axmed Cali Muuse ayaa Si Kulul Uga Jawaabey Warar lagu Baahiyey Qaar ka mid ah Mareegaha Wararka Somaliland kaasi oo Dad ku Sheegteen dhul ay leeyihiin reer Cali Muuse Cilmi .

Sida uu Warbaahinta u Xaqiijiyey Axmed Cali Muuse Sidoo kale Axmed Cali Muuse waxaa uu Soo Bandhigay Cadaymihii lahaan-shaha Dhulkaasi.

Sidoo kale Axmed Cali Muuse waxaa uu soo Bandhigay Go”aankii ka soo Baxay Dacwada Muranka dhulkaasi ee lagu kala Hagaajiyey Labada Qoys ee reer Cali Muuse Cilmi iyo reer Aadan Cade kuna Taariikhaysan 1/2/2001 laguna Cadeeyey inay reer Cali Muuse lahaayeen Dhulkaasi ilaa 1964 kii.Axmed Cali Muuse waxaa uu sheegay inay iyagu leeyihiin Dhulka ay sheeganayaan ilma Aadan Cade kaasi oo ku yaala Degmada Maxamuud Haybe gaar ahaana Xaafadaha Calaamadaha

Axmed Cali Muuse waxaa uu sheegay inay dhulkaasi hore iskugu Qabsadeen Agoonta ilma Aadan Cade isla markaasina ay si cad ugu kala Baxeen Dacwada dhulkaasi iyadoo lagu kala saarey Dhaar,gacantana loo saarey Kitaab Qur”aana.
Axmed Cali Muuse waxaa uu Beeniyey Wararka sheegaya inay dhulkaasi leeyihiin ilma Aadan Cade,Waxaanu Hadalkiisa ku Bilaabay Sidan”Waxaan Halkan ku Beeninayaa Warar lagu Baahiyey Qaar ka mid ah Mareegaha Wararka Somaliland kaasi lagu sheeganayo dhul aanu leenahay kaasi oo ay sheegteen inay leeyihiin Qoyska ilma Aadan Cade .waxaan Halkan ka cadaynayaa in aanu dhulkaasi aanu leenahay lahayn ilaa 1964 kii waxaa jirtay Dhulkaasi inaanu Dacwadiisa hore ugu kala Baxnay ilma Aadan Cade “Dhulkaasi waxaa jirtay inay hore noogu soo dacweeyeen qoyska ilma Aadan Cade waxaanu ku kala Baxnay Dhaar iyo Kitaab Qur”aana”Markhaatina wey lahayd”Bulshada reer Somaliland waxaanu u sheegayna in ayna jirin dhaar wax ka weyn oo lagu kala baxaa marka aynu nahay Dad islaama.

Axmed Cali Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku darey:
Hadaba Sheegashada ay sheeganayaan ilma Aadan Cade in dhulkaasi ay leeyihiin isla markaana dowladu ka qaaday waxaan Halkan ku Cadaynayaa in aanu dhulkaasi anagu leenahay oo ayna waxba iskugu kaaya Hadhsanayn Qoyska ilma Aadan Cade waxaanu Bulshada u soo Bandhigi doonaa Cadaymaha Dacwada Dhaartaasi Nanagu kala saarey Qoyskaasi ilma Aadan Cade “intaasi ayuu Hadalkiisa ku soo Gaba-gabeyey Axmed Cali Muuse oo Maanta Warbaahinta kula Hadley Magaalada
Hargeysa.
axmed-cali-muuse

cadaynta