Siyaasi Cali Guray: “Faysal Cali Waraabe Isagoo Xisbinimadii Laga Furi kari la’yahay, Ayuu Leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle Waa Kelidii Taliye….” “Kuwa Buunbuuninayey xaaladda Jabuuti waa Somaliland iyo Telefeshino”….

0
909

Siyaasi Cali Guray: “Faysal Cali Waraabe Isagoo Xisbinimadii Laga Furi kari la’yahay, Ayuu Leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle Waa Kelidii Taliye….” “Kuwa Buunbuuninayey xaaladda Jabuuti waa Somaliland iyo Telefeshino”….

 

Hargeysa, 11 June 2020 (Warsugan)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa xukuumadda Jabuuti ka difaacay eedaymo uu sheegay inay uga yimaadeen Somaliland. Islamarkaanna wuxuu iska indho-tiray tacaddii iyo jidh dilka lagu sameeyey askari ka tirsan ciidamadda Jabuuti.

Siyaasi Cali Guray waxa kale oo eedaymo u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay kali-taliyaha oo qoorta iska duubay guushii Xisbiga UCID.

Siyaasi Cali Guray siddan wuxuu ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefishinka Horyaal Tv.

Siyaasi Cali Guray oo marka horre sharraxay xaaladda Jabuuti wuxuu yidhi “Horta xaaladda Jabuuti waa caddi laakiin waxa jirtay dhacdo nin sarkaal ah oo ka tirsan ciidamadda Jabuuti oo la xidhay oo xabsiga ka soo diray farriin, wuxuu kaga cabanayaa qolka uu ku xidhanyey in aannu ahayn qol nadiif ahayn oo caafimaadka u xun oo uu xannuunno ka qaaday, isaga oo soo saaray qaar jidhkiisa ka mid ah oo finan ku yaallan. Sababtanna ka dhigay halka uu ku xidhanyey.”Ayuu yidhi Cali Guray waxaannu hadalkiisii sii raaciyey”Dawladda Jabuuti ayaan iyaganna dhegaystay iyada oo ka hadlaysa. Saddex tallaabo ayaan ka soo qaadayaa: mid waxay caddeeyeen dembiga loo haysto sarkaalka iyo nidaamkiisa sharcigu halka uu marayo. Markalena waxay sheegeen in dhakhaatiir gaar ah loo diray oo soo hubiya xaaladdiisa caafimaad: Mar saddexaadna waxay ka hadleen in ergo gaar ah loo dirayo oo dib u soo xaqiijisa xaaladda dhammaan xabsiyadda dalka Jabuuti oo dhan. Ninka Jabuuti muu sheegin Toojar ee wuxuu sheegay meesha caafimaad-darradeedda, arrintan yar ee Jabuuti ka dhacda Hargeysa iyo meel kastabba, waxaan qabaa marka waxa dhacaya la eeggo inay tahay arrin sahlan oo majaraheeddii sharcig ahaydna haysta.Laakiin arrinta waxan qabaa in la buunbuuniyey oo la siyaasadeeyey.”

Sidoo kale, Cali Guray wuxuu sheegay in halka laga buunbuuniyey dhacdada Jabuuti tahay Somaliland “Halka laga buun-buuniyey ee Soomaali oo dhan laga xumeeya waa Somaliland.Waxa jira Telefishinno gaar ugu suntan Somaliland, weliba Somaliland-baynna ku wadda suntanayn …qaarbaa Isaaq ku sii suntan oo waa mid iyo laba laga leeyahay Somaliland.”

Dhinaca kale, Siyaasi Cali Guray wuxuu eeddo ku ganay Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay shaqsi siddii duqsiga ku gudda dhaca waxaan danno ugu jirin ”

“Dad ama la adeegsannayo ama xumaan u jeedda ama Faysal oo kale ah oo isagu shanta Soomaaliyeedba meeshii walba sidda duqsiga dallaq odhanayaa. Soomaaliddanna waa la kala leeyahay, Faysala nin loo taag-helayo ma’aha, Faysal waxa lagu qiimayn karaa Xisbigiisa oo waa xisbiga ugu da’da weyn Somaliland…”Xisbigii ugu da’da waynna wuu gaadhi karayay inuu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland. Waxa uu u gaadhi kari waayay waa Faysal, saddex goor buu xisbigu fursad helay inuu isa-soo sharraxo, saddexda goorba Faysalbaa iska soo sharraxay …saddexda goorba wuu la dhacay.”Ayuu yidhi Cali Guray  Siyaasi Cali Guray wuxuu sheegay in Xisbiga UCID noqon lahaa xisbul-xaakimka Somaliland ka taliya haddii Faysal fursad siiyo dadka kale “Haddii uu Faysal xisbiga UCID fursad siiyo oo ka dego inuu xisbigaasi noqon karro xisbul-xaakimka Somaliland …laakiin Faysal fursad ma siinaya oo ma ka degayaa Gudoomiyenimadda waa maya?  ma siidaya musharaxnimadda waa maya? Isaga oo guddoomiye Xisbinimmo ku dhegan oo aan siidaynayn ayuu leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle waa Kali-taliye ee ka deg xilka.”ayuu yidhi Cali Guray

 

Wargeyska Warsugan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here