SIYAASI LIIBAAN AXMED CASHUUR OO DAAHA KA FAYDAY XOGO QARSOON OO XAASAASIYA GORFAYNAYANA ARIMO HAATAN SAAXADA SIYAASADA YAALA

0
480

SIYAASI LIIBAAN AXMED CASHUUR OO DAAHA KA FAYDAY XOGO QARSOON OO XAASAASIYA GORFAYNAYANA ARIMO HAATAN SAAXADA SIYAASADA YAALA
November 5, 2016 – Written by kaah news
Wareysi khaasa oo shabakada caalamiga ah ee kaahnews.com la yeelatay Siyaasi Liiban Axmed Cashuur oo Daaha ka Feydaya Xogo Qarsoon oo Xasaasiya, Gorfeynayana Arrimo badan oo haatan yaala Saaxada Siyaasada Somaliland kala soco
Hargeysa (WSN)– Liban Axmed Cashuur oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo in badan ku sugnaa dalka gudihiisa, kana mid ahaa rukunadii xisbiga Kulmiye ee dalka Canada taniyo aasaskii xusbiga kulmiy markii dawlada Kulmiye dhalatayna mudo kooban lasoo shaqeeyey xukumada xusbiga kulmiye ee Madaxwayne Silanyo Gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland, markii danbena uga wareegay World Bank iyo shirkadaha international ka ah ee dalka jooga oo ay ka mid yihiin shirkadihii shidaalka baadhayey ee wadanka yimid.
Mudane Liban Cashuur oo ku takhasusey cilmiga Economics, International Development & Security Affairs waxa uu si gaar ah u lafa guray xaalada siyaasada Somaliland, si qoto dheer oo xogogaalnimo ahna uga hadley arimaha imika taagan iyo shakhsiyaadka loolanka siyaasadeed ku jira.
Md. Liban Cashuur oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hawlaha siyaasiga ah ee wadanka ka socda, ama loolanka siyaasadeed ee ka dhexeeya axsaabta qaranka ku loolamaya hogaaminta dalka, wuxuuna ku jawaabay:
“Horta marka ugu horeysa waa ilaahay mahadii, marka labaadna waxaan ku hambalyeynayaa
Madaxweynaha qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo xukuumada uu
gadhwadeenka ka yahay iyo xisbul xaakimka Kulmiye guulaha ay gaadheen oo ay ka mid yihiin,
dhismayaasha dawlada, wasaaradaha iyo furuucdooda gobolada ku yaala, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha qaranka, kordhinta dakhliga qaranka, darajeynta iyo tayaynta ciidamada qaranka, dhismaha wadooyinka, gaarahaan wadada Ceerigaabo, iyo wadooyinka magaalooyinka qaranka kobcinta aqoonta shaqaalaha dawlada, xoojinta xidhiidhka dawladaha aanu jaarka la nahay iyo deeq bixiyayaasha uheelan xoojinta dimuqraadiyada Somaliland, kordhinta mushaharka ciidamada qaranka iyo shaqaalaha dawlada, hir galinta maalgashiga shisheeye “Foreign Investment” ee lagu maal galinayo kobcinta iyo tayaynta kaabayaasha dhaqaalaha Qaranka Somaliland oo ay ka mid tahay Dekedda Berbera, ka rumeynta iyo horseednimada dimuqraadiyada oo uu ugu weynaa markii uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay in aanu mar labaad u tartamayn doorasho oo uu fursad siinayo jiilasha ka dambeeya, taasoo ah mid aan hore mandaqadan looga arag, kuna cusub qaarada Africa iyo waliba hirgalinta dhamaan balanqaadyadii Xisbul Xaakimka Kulmiye umada ugu balan qaadayay markii uu mucaaridka ahaa oo sidoodii u wada fulay.
Isla markaana Musharaxa Xisbul Xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi yahay hogaamiyaha dhamaystiri doona inta wakhtigu u saamix waayay madaxwayne silanyo ee saayidka ku ah barnaamuj siyaasadeedkii xusbiga ee 2010ki.
Md. Liban Cashuur mar aanu weydiinay siduu u arko saamayntii xubnihii iska casilay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, kuna biiray xisbiga Wadani iyo sababaha keenay in is casilaadooda wuxuu ku jawaabay:
“Runti inkastoon xubnahaasi wasiirada ahaan jirey qaar ka mid ah ixtiraam gaar ah aan u hayo sida marxuum Cabdi Aw Daahir oo kale, balse intooda badani waxay ahaayeen xubno aqoontooda dawladeed iyo bulsheedba aad u liidato oo dheeraad ku ahaa qaranka JSL.
Waxanay ahaayeen xubno aad moodo inay tartan ku jiraan oo marmarka qaar aan is weydiin jiray inay waalanyihiin iyo inay miyir qabaan, madaxtinimo ayaa madax martey iyagoon aqoon iyo khibrad toona u lahayn “Public Service” ama aan ahayn hawlwadeeno bulsho ama siyaasiyiin, lakiin nasiib u helay inuu Madaxweyne Siilanyo qaar ka mid ah kala soo baxay “basket” ama sida ay dadka qaar yidhaahdaan “qashin qub” oo uu soo dalacsiiyay, umada iyo dadkoodana baray waxay yihiin, waxay galaan iyo gudaanba”.
Md. Liban Cashuur isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi:
“Runtii waxay nimankaasi muujiyeen dadkana is bareen inay abaal laawayaal yihiin, dabcan waxaan xusuusta gabaygii salaan carabay marku lahaa:
Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu,
Xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoobay,
Guuraha xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay,
Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday,
Xoolaha markay timi ninkaan xulayay geelayga,
Xidhkii odayadheerood marki rag is xiniin taabtay,
Xaraamigii Olol markuu xilafur kaw siiyay,
Waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lehe,
Xarbigii shisheeyaha ninkaan xeebashada diiday,
Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane,
Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge,
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i sine,
Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe,

Mar aanu waydinay Md. Liban Cashuur cida uu ujeede in Madaxweyne Axmed Siilanyo “qashin qubka” kala soo baxay inuu umada u iftiimiyo waxa uu ku jawaabay sidan:
“Horta ma haboona in hadalka la qaawiyo, oo cidaan tilmaamayaa way is garanaysaa, caqli xumadooda waxay u haysteen in ay xukuumada ridi karayaan, oo waxa aanay fahansaneyn in Somaliland leedahay nidaam la yidhaaho “Presidential System” oo hadii xubnaha dawladoo dhami is wada casilaan aanay waxba yeelayn qaranka, waayo Madaxweynaha iyo ku xigeekiisa umadan ayaa soo dooratay oo u codeysay, oo iyaku waa “Elected” laakiin ragan shaqada ka yaacay waa “Selected” oo Madaweyne la doortay ayaa soo xushay, markaa garaadkooda gaaban ayay muujiyeen.”
Md. Liban Cashuur oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi:
“Nimankaana qaar ayaab culeys weyn ku hayay Qaranka JSL iyo International community ga, qaar ka mid ahi madaxtinimo jacaylkoodu wuxuu u geynayey oo ay marmarka qaarkood is yidhaahdeen xulefo la noqda argagixisada caalamka ka jirta, ee mandaqadeenan runtii wax yeelo weyn u geysatey. Raga qaar indho gaar ah ayaa dawladaha jiiraanku iyo caalamkuba ku eegi jirey, oo xilalka ay Qaranka u hayeen ayaa lagu xaqdhowri jirey, dhaqdhaqaaqooda waa lala socon jirey, lacagyowga ay xadeen inay wadanka gudiiisa dhigteen waa laga war hayaa, mar hadii ay dibeda joogaan manta oo ay shicib yihiina sidii hore loola dhaqmi mayo oo hadii ay isku dayaan ficiladii iyo xidhiidhadii ay hore is yidhaahdeen tiigsada oo taageero iyo garab hankan madax marey ku gaashaanta talaabo cad oo toos ah ayaa laga qaadi doonaa.”
“Waa nimanka ilaa iyo sirdoonkii qaranku markuu soo report gareey odhan jirey waa basaasiin gaalada u shaqeeya, waa nimanka malaayiin dollar ka xaday dadkan masaakiinta ah ee abaaruhu wiiqeen manta, waa nimankan leh xisbi kale oo mucaarid ah ayaanu ku biirnay, waa nimankan jagooyin bug iyo barkumataal ah loo magacaabay, waa nimanka qaar boorsada qaranka ku dhoofi jirey sanad walba $733,000 oo dollar oo odhan jirey ictiraaf ayaanu raadinaynaa oo caalamka ayaanu khibrad u leenahay, iyagoo madhana dhoofi jirey, iyakoo madhana soo noqon jirey, waa nimanka dadkii iyo dalkiiba qabyaalada, maamul xumo, kala saar saar, iyo kooxaysiga ku bilaabay, waa nimanka xisbul xaakimkii dhamaa is yidhi hantiya ee la dagaalamay. Waa ilaahay mahadii mar haday soo tuftay dhuunti ay umadan u fadhiyeen, maantana sida runta ah xisbiyada ay galeen ayaa il gaar ah wadamada jaarka iyo caalamkuba ku eegayaan, cadaymaha laga hayona waa lasoo ban dhigi hadii ay aayar joogi waayaan”
“Runtii Madaxweynaha qaranku wuu ka xishooday, Qarankan iyo umadanina way ka xishoodeen, laakiin waxay ahayd in AUDIT la galiyo oo nin waliba wuxuu musuqmaasuqay lagala xisaabtamo oo la xidho umadana la tuso, kuwa xilka umada u haya ama u qaban doonana ay ku cibro qaataan, taasi laakiin ilaa hada may dhicin laakiin way dhici doontaa ayaan rajaynayaa”
“Ragaa qaar maamulkii iyo saxeexii waxaa laga joojiyay January, 2015 kii, oo paralyze ayay ahaayeen, oo tasarufkey ku tasarufi jireen kharashka hoos yimaada wasaaradooda waa laga joojiyey, faro galinta siyaasada gobolada barina amar ayaa lagu siiyay inaanay faro galinin oo waxaa loo xilsaaray madax dhaqamed uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee Suldaan Cabdillahi, iyo Ina Cali Carab.
“Ragaasi wasiirada ahaa qaarkood waxaa lagu amray inay hawlaha xisbul xaakimka faraha kala baxaan, oo ay joojiyaan dagaal hoosaadka is bahaystey ee ay ku wadaan xisbiga ay xilalkiisa ku fadhiyaan hadaba xiligii ay go’aansadeen inay is casilaan waxay ahaayeen harag meel yaala oo wax maamul ah oo ay gacanta ku hayeen ma jirin oo waxay ogaayeen in la eryi doono, laakiin may ogeyn inay u hawl fududeeyeen Madaxweynaha qaranka inuu bulshadiisa kaso xusho madaxdii ku haboonayd.
Mar aanu waydiinay siyaasi liibaan Cadeymaha uu sheegay in ragan laga hayo waxau uu ku jawaabay:
“Horta anigu bartan kama wada sheegayo wax detail ah, laakiin waxaan ogahay inay nimankaa qaarkood hagardaamooyin badan oo Qarankan ka dhex dhacay ku lug lahaayeen, ka bilow Kalshaale, faro gelinta ciidamada qaranka ee qalabka sida, boorsada qaranka, axsaabta qaranka, mashaariicda la leexsadey oo cadaymo loo hayo, meelahay ku qarsan jireen lacagyowga ay xadaan, falalkii argagixiso ee ka dhacay dalalka aanu jaarka nahay sida Djibouti iyo Soomaaliya oo ay qaarkood ku lug lahaayeen iyo waliba dilal lagu bartilmaameedsaday Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, farogelinta maxaabiistii jeelasha Somaliland, faro galin iyo isku day maamulid ciidamada qalabka sida iyo sirdoonka qaranka, iyo arimo badan oonan doonayn inaan imika sheego waayo baadhitaano badan ayaa wali socda oo ka hor dhici maayo imika”
La Soco Wareysi xasaasiya oonu la yeelanay Md. Liban Cashuur oo xogo badan iftiiminaya.