Socod aan loo dhalan lix saamood ma dhaafo

0
398

Socod aan loo dhalan lix saamood ma dhaafo
Qalinkii : garyaqaan: sahal axmed maxamed

Afka ama Luqaddu waa waxa Ummad ama Qowm uu isku weydaarsado danaha iyo baahiyaha noloshooda ee ay ku wada xidhiidhaan, Afku waa sida Insaanka ku hadlaya oo waxa ku dhaca isbeddelo la mid ah ka Insaanka ku dhaca,sida xanuun,daal,tamar darro,iyo in uu xubnaha qaar waayi karo,ama geli karo xaalad dhimasho,markaa waxa dhacda in isbeddel kelmedihiisa ku dhacaan oo qaar adeegsigoodu yaraado ama joogsado sababo darteed ama kelmedo aan hore ugu jirin Afkaa ay soo galaan oo loo adeegsado si joogto ah,markaa isbeddelkaa qaar kelmed hore u jirtey ayaa qaadata macne labaad ama macnihii hore waa laga tagaa oo meeshuu ka baxaa ama isagoo jira macnihii hore ayaa macnaha labaadna hirgalaa,hadaba hadaan u holodo halkii aan qalinka u qaataywaxaan u kala qaadayaalaba mqaybood qaybi waa meheradaha Somaliland ku yaala magic yada manta loo bixiyo iyo magacaanta cusub eecaruurta loo bixiyo.
1. MAGACA SOMALIGA AHAA
Magacu waa sumada qof yeesho si ay bulshadu ugu garato, magacaantan bulshadu way ku kala duwan tahay haday tahay mid islaam iyo mid gaaleedba, hadana gaalada laftooda ayaa ku kala duwan sida muslimkuba ugu kala duwan yihiin.
Hadaba inaga maxaa inoo asal ahaan jiray?
Muxuu macno yeelan jiray magaca afka somaliga ku abtirsadaa?
Maxaana sabab u noqon jiray in qofka magacaas loo bixiyo?
Aniga oo waydiimahaas si duuduuba uga jawaabaya, macnaha magaca soomaliga ahi ee barigaa lala baxi jiray waa mid ka macno balaadhan magacaanta manta lala baxo waxaanuu ka iman jiray laba meelood oo qudha in loogu magac daro nabiyadii aduunka soo maray (CS) iyo asxaabtii nabig (SCW) sida AYUUB, AADAN,MARYAN,MAXAMED, AASIYA , CAASHA, QADIIJA, iyo meesha labaad oo ahayd meesha ay dadkeenu ku salaysnayd noloshoodu ee reerguuraaga, taasi oo rafaadka iyo nolosha adag magac ka turjumaya loo bixin jiray qofka si uu nolosha ugu guullaysto sida ,GUULEED,DUDUB,GEEDI,WARFAA, WAABERI, RAAGE,COLAAD,DHARAAR.
Hadaba waxaa is waydiin leh waa ku wee magac yada aynu ubad keena ubixinaa macnaheebaynu ku salaynaa? Taasi jawaabteedu waxay noqonaysaa magacayada aynu u bixinaa waa kuwan soo socda, IBTISAAM,MAYSA, MUCTAAD, ZUUZUU, RAYMA ,RAYAAN ,SAAABIRIIN, ZUKHRA,SHAYMA.
Waxaa sida daruurta inoogu cad oo marag ma doona in magac yadani yihiin ajanabi islamarkaana aanay jirin macno afka soomaliga ay ku dhex leeyihiin.

Taariikhda qarada wayn
Afkeenii ka qatanaa
Qaayaha uu leeyahay
Dunida ka qarsanaa
Qoraxbaa u soo baxdoo
Daahii ka qaadee
Carab ku qaldi maayee
Sidii caanaha qurquriyaay.

2. MAGACA GANACSIGA:
Waxaynu maalin kasta aragnaa meherad cusub oo ku soo korodhaysa ganacsiga magaalooyinka dalkani Somaliland taasi oo magic cusub wadata, ama mid magacii hore laga badalayo oo loo badalayo magacyo kaleoo cusub kuwaaasi oo magacyadan ay la baxayaan aanay meelna ka soo galin luuqada af ka soomaliga, meel laga keenayna aanad garanayn taasi oo la raacinayo ujeedada ama adeega ay qabanayso meheradaasi , waxaa hubaala magac yadaas in qaar kood aanad akhriyi Karin macne ay sameeyaan iyada hadalkeedaba daa.
Awowgay ninkii indhaha tiray
Ninkii aabahay adoonsaday
Ninkii anigana I iibsaday
Hadaan ogohoon ka aarsan karayn
Hadaanan eega unuunka jarayn
Arkimaaye aan ooyee albaabka ii xidha

waxaana wax laga xumaado ah bulshada waxan arkaysaa ee hadana aan dareemayn magacyadan qalaad sida uu saamayn ugu yeelankaro luuqadii bulshada u hantida ahayd, balse eeganaya dhal dhalaal laga keenay wadan qalaad oo aan islaam meelnaba ka soo galin, maah maah somaliyaa tidhaa.
Waxaan maqaalkaygan ku soo gabagabaynayaa (Socod aan loo dhalan lix saamood ma dhaafo)