Sodogii la jiidhay WQ:Abdijibaar Aaden Gaas

0
1066

Sodogii la jiidhay WQ:Abdijibaar Aaden Gaas——
Dhaqanka soo jireenka ah ee soomaaliyeed waa mid dhidibada ugu adage uu ku qotomo ay ka mid tahay xididka oo la dhawro lana xurmeeyo xasaanad gaarana u yeela anigu waxaan ku garaadaaday iyadoo sodoga ama sodohda loo koolkooliyo sida boqor ama boqorad dhamaan xubnaha qoysku waxay ku mashquuli jireen u shaqayntooda iyo sharfidooda kool koolintooda ayaa lagu dheeraan jiray ilaa laga gaadhsiiyo xalay qofkii cashada u geeyay inaanu subaxa u geyn ee weji cusub iyo ubax kale ay is bartaan
Hadii maalinta geed fadhiisiga ay tahay tani kasii culus barbaarta xigaalka oo gaashaaman baa meel walba xaajo wal iyo hawl walba gacanta haysa gadhcadaagii gabadha laga doonayay iyo guurtidii socotayba waxay dusha ka daawanayaan kuna raaxaysanayaan hab maamuuska gobanimada leh iyagoo golaha ku maaweelinaya Sheeko shaahid taariikh nin walina xaajadii dhaqaaqda dusha kala jiro si aanay u dhicin wax khalad ah ama kama ah oo markaa maqal iyo muuqaal iyo dhaqan kay doontaba ha ahaatee martida iyo xididka aanay la rabin
gadh madoobahaa hoosta ka xilqaamaya kana olkominaya shaqada iyo hawlaha u baahan in dumarka iyo reeraha la dhextago
sidoo kale waxaa loo xulaa gacan ku haynta iyo mindida daabkeeda marwo wal oo ka sheegan degmada dhexdeeda gaarinimo iyo fariidnimo soojeed iyo deganaan alle isugu daray
Shaahaa waxa isu daba maraya gashaantimaha kuwa ugu heelan iyagoo ka feejig ina shaahii ay karisay mid waliba lagu sheego iin ama saluug
Hab maamuuskaasi waa mid soomaalida u ahaa dhaqan soo jireen ah labona aanay isku canaanan ee ahaa dhaqan qof waliba u dirnaa inuu maamuuso gacalka xarrago
Maanta oo ay tahay 25/9/2015 ayaanu u fadhinaa xafladda geed fadhiisiga wiil dhalinyar isla markaana arinkoodu soo dhamaaday isaga iyo wehelkiisa ay nolosha wadaagi lahaayeen
Kaadhka ayaan gacanta ku haystaa waxaana garabka isoo qabtay saaxiib igusoo maamuusay goobtan isu imaatinka geed fadhiisiga iinasoo garab galay xaga qaacadda wayn ee gaar ahaan kuraasta hore ee gacalku ku wada kaftamayo dhexdooda ayuu igu dhaafay wajiyo dhawr ah oo aanu is garanay hadaanu salaan is waydaarsanay ayaa cod baahiyuhu sanqadhay salaanna noo diray hadalkana ku furay arinka loo fadhiyo
Sidii caadadu ahaydba waxaa la iswaydiistay gabadhii wiilka loo doonayay hadal furan iyo hawraar san aqbal iyo ijaabo hadii lagu qaabilay xididka soo geed fadhiistay erey iyo labo kaftan ahna laysku tuuray qolo walibana kursigooda salka ku hayso sodogiina la gacan qaaday sooryana la kala gudoontay sheekhiina waajibkii gutay ayaa waxaa isla kacay qolo uu hogaaminayo wiilkii la galbinayay oo isku jaan ah
Hadiiba waxaa dib uga baxay koox kale oo lasoo baxay kameradaha casriga camera
iyagoo dib u gurad u soconaya marna gadaal iska eegaya si aanay u jiidhin kuraasta iyo dadkii isugu yimi madasha isla markaana la dhacaya sawirada hadba dhinac kala maraya iyana hadba kooxi galayso safka taswiirta fadhi iyo istaagba leh goobtii loogu tala galay fadhiga iyo kuraasta ayaa isu bedeshay meel mashquul badan aad ka taxadirayaid inaad is jiidhaan dhalinyarada ku indho daraandaraan sawirada la gelayo iyo kuwa sii cidhiidhsanaya halabsanayana halkii ay ka gelilahaayeen safka dheer ee hadba qolo fadhiisanayso kameradana lala dhacayo ayaa isku garbinaya garabkana isku riixaya iyadoo aan isha ku hayo sodogii looga geed fadhiistay gabadha oo talo ku caddahay isla markaana aad uga fikiraya inuu iska kaco oo kadinka waydaarto si uu u helo meel fakaagsi ah oo uu uga baxo goobtan sida darkii ceelka la isku garbinayo nafsad ahaana uu ku nafisilahaa inuu dibada uga baxo goobtan
Maya ee wuxuu is waydiinayaa xididka oo aydaan isa salaamayn ha dhaqaaqin ee halasoo jeesto balse galgaladka iyo is jiidka mashquulka ayaa u soo durkaya dhankiisa iyo dhanka albaabka firxad iyo kala tagna u muuqda hadbana meel baa la is taagayaa oo sawiro iyo asxaab cusubi kusoo biirayaan sidaana uu arin u muuqdo in lasii jiidhidoono goobta uu fadhiyona lagu dhaafidoono sodogii inanta laga gudoomay farxadda iyo taswiirtuna sidaa kaga miisaan waynaatay
Maadaama oo aanu kicin iyadoo aan nabadgelyo lays odhan hadalkana haabhaabad mashquuliyay
waxaynu eegnaa waa wakhtiyada inagusoo foolka leh iyo halka dhaqankan geediga ahi uu udub dhigto
Halku dhegeenu waa Dhaqankaaga ilaasho

Qalinka Cabdijibaar Aadan Gaas