Somaliland: Ardayda Aragga Diciifka Ka Ah Oo La Daryeelayo

0
424

Somaliland: Ardayda Aragga Diciifka Ka Ah Oo La Daryeelayo

Hargeysa(Warsugan) Kulan lagu gorfaynayay sidii wax loogu qaban lahaa ardayda dugsiyada hoose dhexe ku jira ee aragga diciifka ka ah ayaa lagu qabtay Hargeysa. Kulankan ayaa la iskula meel dhigay dadaallo daryeel caafimaad loogu samaynayo carruurta aan tahli Karin inay goobaha caafimaadka tagaan ee araggu diciifka yahay.

Mashruucan waxaa fulinaya urur Waddani ah oo kaashanaya dhakhtarka Manhal ee Hargeysa, waxaana maalgalinaya urur fadhigiisu yahay dalka Sweden ee carriga Yurub. Waxaa kulanka qayb ka qaatay macallimiinta, waxaana la isla qaatay in baadhis lagu sameeyo ardaydaasi si loo ogaado in aragga dhaw diciif yahay in aragga dheeri diciif yahay.

Cumar Aadan oo ka socday ururka fulinaya hawsha ee dalka Sweden ayaa sheegay inay ogaadeen baahida ay qabaan ubadkaasi “Waxaanu nahay xubno ka tirsan ururkan oo ka socda gobolka Koonfur ugu xiga dalka Sweden, markaanu shaqaalaha Manhal arrintan isla eegnay waxaanu ogaannay inay jirto baahi badan oo ah carruurta oo aan cidna araggooda baadhin oo fasalkii uun iska fadhiyaan, islamarkaana aan la garanayn qofkii ma aragga dhaw baa dhibaataysan mise aragga fog,” ayuu yidhi mudane Aadan
Jimcaan Yuusuf Maxamed oo ka mid ah maamulka cisbitaalka Manhal ayaa soo jeediyay in bulshadu is gargaarto “Waxa la isku soo kaashaday waa aragga, cid walba sacabadeeda ayay biyo kaga dheregtaa, horumarkuna waa waxaad qabsato, markaa inta inaga dhiman waxaynu la kaashanay Sweden iyo jaaliyaddeena halkaas joogta, waxaana la isla fahmay inta aynaan buuxin Karin inay qabtaan oo ah in ilmaha loo helo muraayadda aragga. Waxa kale oo aanu ogaanay in carruurtu u baahan yihiin muraayad nooc gooniya ah, taasna way inagala shaqaynayaan,” ayuu yidhi Mudane Jimcaan

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office