Somaliland: Hoggaamiyayaal Ku Dul Loolamaya Shacbi Dhibaatooyin Abbaaro Iyo Kuwo Nololeed Hadheeyeen

0
701

Somaliland: Hoggaamiyayaal Ku Dul Loolamaya Shacbi Dhibaatooyin
Abbaaro Iyo Kuwo Nololeed Hadheeyeen

Faallo: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Laba wefdi oo ay kala hoggaaminayaan Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi ee
WADDANI iyo KULMIYE, ayaa socdaal kaanabayn siyaasadeed ka wada
deegaamada galbeedka Somaliland, xili Dhibaatooyin Abbaaro oo ku
habsaday dalka Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika ka
taagan yihiin deegaamada galbeedka oo noqday meelaha ugu daran
Aabaarta.
Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan
Saylici oo ah musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga KULMIYE iyo
Guddoomiyaha Xisbiga Kumiye Muuse Bixii Cabdi oo ah musharaxa
Madaxweynaha ee doorashada Madaxtooyadda Somaliland marka la gaadho
2017, oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan Xisbiga iyo
masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, ayaa gaadhay magaalada Boorama ee
xarunta gobolka Awdal laba maalmood ka hor, balse waxa socdaal ka daba
qaatay shalay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Cabdiraxmaan
Cirro oo ah guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland iyo wefdi uu
hoggaaminayo.
Ujeedada labada Wefdi oo ku sugan Boorama, wuxuu socdaalkoodu la
xidhiidhaa arrimo siyaasadeed iyo kaanbayn, wuxuuna socdaalka labada
wefdi kusoo beegmay xili deegaanka gobolka Awdal laga bilaabayo hawsha
diiwaangelinta, taas oo la doonayo inay qayb ka noqoto qorshaha
doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan marka la gaadho
sanadka 2017.
Hase yeeshee labada wefdi ee ku sugan Boorama oo wata gaadidka qaaliga
iyo Baabuurta aan rasaastu karin ee (Bullet Proof), waxa ka dhashay
socdaalkooda iyo loolankooda xiligan doodo iyo su’aalo rayal caamka
bulshadu is weydiinayaan, kuwaas oo ay dhaliyeen duruufaha iyo
xaaladaha dadka dhibaatooyinka nololeed iyo kuwa dhaqaale ee hore u
haystay oo ay ugu darsameen waqtigan Abaaro saamayn xooggan ku yeeshay
boqolaal kun oo qof oo u badan dadka deegamada Miyiga ee Beeralayda
iyo kuwa xoola dhaqatada ah, iyadoo deegaanka galbeedku oo ku tiirsnaa
inata baddan Beeraha saamaynta abaartu ku yaalatay ay sababtay
macaluul baahsan oo aanay waxba ka ogayn hoggaamiyayaasha Somaliland,
balse ay ku hanbaabereen xaalada abaareed ee dalka ka jirta markii ay
temeshle iyo loolan kaanbayn siyaasadeed ah ugu tageen dadka
deegaanadaa ku nool, kuwaas oo aanay waxba kala socon intooda baddan
nolloshooda iyo duruufaha ay ku nool yihiin.

Dadka ku nool deegamada labad wefdi ee labada Xisbi ku loolamayaan,
waxay filayeen gurmad Biyo dhaamis iyo cunto. laakiin waxay
xaqiiqsadeen markii ay labada wefdi ku kulmeen deegaanka
galbeedka,gaar ahaan Boorama oo ah xarunta Gobolka Awdal in gaadiidka
faraha baddan ee dhinaca Hargeysa oo ay gurmad ka filayeen aanay ahayn
kuwo u socda inay wax kala qabtaan dhibaatada nololeed ee haysta,
balse ujeedadoodu tahay oo keliya kaanbayn kursi doon ah.

Tallaabooyinka iyo dhaqamada noocan ah, waa kuwo uu diidayo Damiirka
aadamaha iyo caqliga saliimka ahi, laakiin waa hab- dhaqanka
siyaasiyiinta Somaliland ee aan damiirka lahayn, kuwaas oo ku dul
loolamaya dadkooda dhibaataysan ee u baahan xiligan gurmadka dad iyo
duunyaba, balse waxay u muuqataa in loolanka iyio xafiiltanka kursi
jacaylku ilawsiiyay wax badan, isla markaana ay sabab u tahay inuu
damiirkoodu siiyo inay dadkii iyo xoolihii gurmadka u baahnaa ku dul
loolamaan iyagoo wata gaadiidka ugu qaalisan ee masuuliyiinta xiligan
iyo madaxda Somaliland isugu faanaan, isla markaana waxa hubaal ah in
kharashyada ku baxa safarada sidan oo kale ah iyo xafladaha ay isku
daawadaan masuuliyiinta xukuumaddu ee inta baddan Hargeysa lagu qabto
ay wax badan ka tari lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaalle ee dalka ka
jira duruufaha Aabaaraha ku habsaday dalka ka dhashay ee saamayeeyay
nolosha Miyi iyo magaaloba.

si kastaba ha ahaatee xaaladda Abbaareed iyo duruufaha nololeed ee ka
taagan deegaamada galbeedka dalka iyo kuwa kale, waxay u baahan yihiin
gurmad, balse uma baahna xiligan loolan siyaasadeed iyo temeshle lagu
dhex taxaashiyo Baabuur qaali ah.
Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com