Jacaylka iyo Doorashada Lammaanaha (1) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

0
759

Jacaylka iyo Doorashada Lammaanaha (1) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

Ma ka dhaxeeyaa xidhiidh tilmaamaha lagu dooranayo gabadha/ninka iyo jacaylka? Sidee ayaan ku dooran karaa lammaanahayga aan jeclaan doono inta aan noolahay? Doorashada lammaanuhu ma waxa ay leedahay tiirar la dabaqo xilliga doorashada mise waa dareen kaliya oo inta uu mar kaliya kaaga soo daga samada qalbigaagana ku beerma, dabadeedna aad raacdo gabadhii/ninkii uu qalbigaagu u yara janjeedhsmo? Waa su’aalaha ay qormadani koobsanayso jawaabaheeda.
Waxa jira shan tiir oo muhiim ah xilliga doorashada lammanaha taas oo ay tahay in uu aqoon u yeesho qof kasta qof kasta oo guurdoon ah rag iyo dumarba. Shantan tiir waxa ay ka caawinayaan in uu qofku si hufan u qiimayn karo haboonaanta ay ku habboontahay gabadha uu nolosha la wadaagayo/ninka ay nolosha la wadaagayso. Sida oo kale, in uu qofku naftiisa ku qiimayn karo in uu isaga laftiisu ku habboonyahay qofka uu maaggan yahay in uu nolosha la wadaago iyaduna waa caawimo kale oo uu ka caawinayo. Haddii ay doorashadu hagaagto na, waxa uu jacaylka lammaanahaas dhexmari doona noqdaa mid kobca, nolosha qoyskuna mid waarta.

Shantan tiir waxa ay kala yihiin: Tiirka jidhka, tiirka nafta(caqliga), tiirka diinta, tiirka bulshada iyo tiirka caadifadda (dareenka). Waa shanta tiir ee ay tahay in uu qofku ku qiimeeyo naftiisa sida oo kale na uu ku qiimeeyo in lammaanaha nolosha la wadaagi doonta. Bal aynu id mid u soo qaadanno:

1. Tiirka Jidhka
Hab-muuqaalka jidhku waa mid ka mid ah tilmaamaha ugu muhiimsan ee la isku qiimeeyo xilliga xulashada lammaanaha. Wiil iyo gabadh ba, marka uu qofku qiimaynt jidhka qofka kale, ha is waydiiyo su’aalahan: Ma leeyahay/leedahay hab-muuqaal ay ku indho-dooqsadaan indhahaagu? Ma ku dareenta raaxo-nasfiyeed marka aad isha qac ku siiso? Ma ma kicisaa dareenkaaga jinsiyeed marka aad niyadda ku qabato? Sidaa daraadeed, ayaa ay diinta Islaamku u boorisay in ay labada qof is arkaan inta aanay is guursan ka hor. Ujeedadu na waa in ay isku qancaan jidh ahaan si aanay hadhow caqabad ugu noqon jacaylkooda.

Quruxda jidheed la iskuma waafaqsana nooca ay tahay. Qofka si ayaa ay la tahay quruxdu laakiin waxa qof walba u qurux badan marka xaggiisa la eegayo ninka/gabadha uu ku dareemayo raaxo-nafsiyeed marka uu daymoodo.
Fiiro gaar ah: Shardi ma aha in ay gabadhu/ninku qurux badnaado balse waxa habboon in ay indhuhu ku doogsan karaan qofka kale (u gaar ah cidda wax ku qiimaysa jidhka).
2. Tiirka Nafta (Caqliga)
Dabeecadda iyo nafta qofku waa mid ka mid ah tilmaamaha ugu muhiimsan ee ay tahay in la isku qiimeeyo marka la dooranayo cidda nolosha kula wadaagi doonta. Lammaanaha oo midba kan kale dhammaystiro waa mid ka mid ah sababaha loo guursado. Is weydii dhawr su’aalood: Ma yahy shakhsigii lahaa hab-dhaqankii (dabeecaddii) ku dhammaystiraysay adiga? Ma leedahay/leeyahay dabeecadihii kaa buuxinayay godkii (baahidii) kaa ma maqnayd adiga? Tusaaale ahaan, waxa aad tahay qof dulqaadku ku yar yahay, haddii aad hesho gabadh dulqaad badan waxa aad ogaataa in ay tahay mid ku dhammaytirtay. Amaba, waxa niyaddaada ka dhex guuxaysa in aad guulaysato, dabadeed waxa aad heshay nin kaa caawin kara gaadhitaanka himilda guuleed ee aad higsanaysay. Isaguna waa nin ku dhammaystiri kara waayo wa baahi kaa maqnayd oo laguu buuxiyay.

Waxa aad arkaysaa gabadh uu aad u sarreeyo heerka ay bulshada kaga jirto oo hadana odaygeedu ka hooseeyo aqoon ahaan iyo dakhli ahaanba oo hadana is qabay muddo badan iskuna faraxsan. Sababtu wax kale ma aha’e, waa laba qof oo ay dabarkooda jacayleed isku xidhay baahiyo nafeed oo ay isku dhammaystireen oo la xidhiidha dabeecadaha iyo xagga hab dhaqanka. Sidaa daraadeed, ayay diinta Islaamku muhiimad badan saartay in ay labada qof iska raalli yihiin xaga dabeecadaha iyo hab dhaqanka. Wuxu yidhi nebbigu scw “Haddii uu idiin yimaaddo qof aad raalli kaga noqoteen diintiisa iyo HAB-DHAQANKIISA u guuriya”
La soco qaybta kale….

Ahmed Ali Diriye
Mob. Phone: +252 63 346 44 47
Facebook: Ahmed Ali Diriye
E-mail: axmadiya@gmail.com/info@hagahaguurka.com
Website: www.hagahaguurka.com