Somaliland ma waxa ka dhacay Masiibooyinkii Qasa ka dhici jiray, mise shacabkeenaa Danbaabay?!!!!

0
701

Somaliland ma waxa ka dhacay Masiibooyinkii Qasa ka dhici jiray, mise shacabkeenaa Danbaabay?!!!!

Marka hore waxa aan tacsi u dirayaa Ciidamada, Qoyskii, Eheladii iyo Qaraabadii ay ka baxeen laba Sarkaal ee dhawaanta ku dhintay werarkii askarigu ku qaaday.

Marka Xigta waxa aan alle ka baryayaa in uu inaga dhigo kuwo xaqa iyo cadaalada ku dhaqma oo aan sida Iblayska ama shaydaanka aan xaga xun wax ka eegin.

waxa aan daawaday mid ka mid ah Television-nada dalka ka laga daawado mid ka mid ah waxa aan la kulmay War la laga soo guubay Gobolka togdheer oo ay qabteen Xisbiga UCID warkaasi oo la xidhiidhay Dilkii saraakiishii ciidnak ee lagu dilay Qorulugud waxa aan aad uga damqaday oo i taabatay ka dib markaan arkay wiilka hadlaayey oo xidhan weer Cas oo uu itaalka isagu islahaa ku muuji dareenkaaga balse marka aynu dhinac ka eegno la xidhan karo uun marka masiibo qaran dalka ku habsato uun taasina ma dhicin ee waxa dhacay waa laba sarkaal oo askari ay xukumayeen dilay taasina waxay ku timid uun qadar alle oo qofna ma baajin karo wadka.

Balse waxay ahayd uun in la qabto hadiise ay taasi dhici wayday maaha in cid gaara loo nisbeeyo oo lagu dhaleeceeyo hore waxa aan u soo joogay dilal kuwan oo kale ah weliba ka sii khatar badnaa oo qofkii Somalilander ahi uu dareemi karo xaaladihii lagu sugnaa wakhtigaasi iyo sidii looga hortagay.

Taasi waxa aan uga socdaa kuwa maanta weerka xidhanaaya ee doonaya inay yidhaahdaan waxa aanu diidanay sida dilku u dhacay dadkii ay ka bexeena tacsi ayaanu u diraynaa waxba maydaan soo kordhin balse dadkii geeriyeysnaana waad kiciseen uun qarankana waad dhaawacdeen oo qarankani waxa uu leeyahay Cadaw badan oo jaararkeena ah siiba soomaaliya waxaanad ummadda ka soo qaadeen dad aan guna jirin waxna ka danbayn oo aan lahayn qaran iyo nidaam dawladeed.
Hadaba waxa aan leeyahay ama mucaarad ahaada ama Muxaafid ahawo sidaasi lama amaanayn siyaasaduna yaanay sida xun kuu gelin ee dalka ugu dedaala inaad dhistaan oo aad ka dhigtaan dad kal gacal iyo walaaltinimo dhextaal, kuna darsada oo beri waxa aad u sharaxantihiin inaad dalka iyo dadka hogaamisaan kuwa aad u tartamaysaana waa kuwan aad kala geynaysaan ee aad ku guuraysaan maaha kuwo meel kale aad ka keenaysaan ama xukuumada hada jirtaa ay raran doonto marka ay xilka tiriso.

Hadaba waxa aan ku soo koobayaa war dalka sidan ha laga daayo oo ha lagu dedaalo in sida wanaagsan wax looga raadsado looguna gurmado ee yaan loogu gurman tola’a reer ehebolw jabte ee anaa ku gurmanaaya ee ila baroorta oo wax ila dumiya aan codka raadsadee, Qaranimaduna sidaasi maaha, dadnimaduna sidaa maaha qofnimaduna sidaasi maaha siyaasadana sidaasi ha moodin ee waa itaageer wanaagna igu taageer waxna iga arag aynu is kaashanee dhanka wacana aynu u socono.

ALLAA MAHAD LEH
Muna Xasan Xuseen
Hargeysa/Somaliland
Aqoon yahanad sandkii 2013 ka baxday mid ka mida Jaamacadaha Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here