Waxaan Leeyahay Doorashadu Xiligeedii Ayay Dhacaysaaye, Halayska Daayo Hadalada Xanafta Leh By Faarax Xuseen Maxamed

0
505

Waxaan Leeyahay Doorashadu Xiligeedii Ayay Dhacaysaaye, Halayska Daayo Hadalada Xanafta Leh By Faarax Xuseen Maxamed.
Marka kowaad waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa umadda Somaliland meelkastoo ay joogto ,taasi waa taa.

Marka labaad sida aynu ka warhayno waxa jirta diiwaangelinta mawaadinka oo mudooyinkii u danbeeyay qayladeedu dalka hadhaysay ,

Diiwaangelintu waa laba qaybood sida laynoo sheegayb,waxaaney u kala baxdaa Kaadhka Mawaadinka iyo Diiwaangelinta cod-bixinta ,adeer shaqaba iskuma laha ,wax laysku qabtana maaha ,doorashaduna sida aynu ka warhayno xiligii loogu talogalay ayay dhacaysaa ,oo madaxweynaha afkiisa ayuu ku yidhi habeen laygu darimaayo ee hala iimaansado,markaa waxaan leeyahay labada diiwaangelinood-ba waa loo baahanyahay si doorashadu u dhacdo ,yaan laysku mara waxadin .

Waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa sida aynu ka warhayno dalka waxa hadheeyay hadalo Saxaafadda laysu marinaayo ,oo aflagaadooyin iyo xanaf xanbaarsan ,kuwaasi oo dalka iyo dadka toona aan u fiicnayn , markaa waxaan leeyahay raga qaabkaa u hadlayow ka daaya dalka hadalada noocaas ah, waayo dalku wuxuu ka dhaxeeyaa umada Somaliland ,Somaliland-na waxay ku soo caano maashay isku tanaasul iyo wada tashi.

Xilkuna waa meerto oo maalinkasta cidbaa haysa ,waxaana haboon kolba cidii joogta in lagu tixgaliyo sida Dawladaha aynu jaarka nahay isla markaana waxii tabasho ah ee meesha yaala ,wadatashi lagu dhameeyo .

Gabogabadii waxaan leeyahay Madaxweynaha hore ayaad umada ugu sheegtay in aan maalin qudha laguugu darin xilka ,markaa waxaan leeyahay doorashadda xiligeedii qabo ,haba quustaan mucaaridkuye ,waayo cid kaaga nasiib badani ma jirto ,in aad mar labaad guulaysato ,shicibkii kuu codayn jirayna wax badani kamay dhiman ee way noolyihiin.

Faarax Xuseen Maxamed
Gacan Qoor-gaab Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here