SOMALILAND:QAADKII DALKA LA KEENI JIRAY OO AAD U YARAADAY IYO SIXIRKII RUBUCA JAADKA OO GAADHAY 60.000sl shilling oo u dhiganta 8$

0
766

SOMALILAND:QAADKII DALKA LA KEENI JIRAY OO AAD U YARAADAY IYO SIXIRKII RUBUCA JAADKA OO GAADHAY 60.000sl shilling oo u dhiganta 8$

Hargeysa(Warsugannews)Qaadku waa geed ka baxa wadamada itoobiya iyo keenya waana qaad loo isticmaalo balwad ahaan wadamada sida xawliga looga isticmaalo wax aka mid ah Somaliland oo lagu qiyaasay inay isticmaalaan 75% bulshada reer Somaliland oo u badan raga da,dooda lagu qiyaaso 25jir iyo wixii ka wayn.

Bulshada daacada u ah isticmaalka qaadku waxay suuqyada lagu iibiyo qaadka iska xaadiriyaan wakhtiga uu soo gallo qaadka ugu horeeya oo ina soo gaadha 7:00da subaxnimo Noocyada qaad ee dalka yimaada waxay isugu jiraan qaadad kala nooc ah oo kala qiime ah oo mid walba uu leeyahay maacaamiil gaar u ah oo iyagu aaminsan inuu yahay qaadka ugu fiican,halka qaarkoodna ay ku xidhan yihiin nooca ugu jaban maadaama ay yihiin bulsho qaad cun ah balse dhaqaalahoodu hooseeyo. Dhamaan qaadadkani waxay inooga yimaadaan dalka itoobiya waxaanay bulshada qaadka cuntaa ay aaminsanyihiin in qaadka ugu fiicanayahay nooca loo yaqaan jabiska oo ah noocan ugu badan ee dalka yimaada isla markaana soo galla subaxda hore,dudurkii iyo fiidkii waxaana keena shirkado gaar ah oo midwaliba ay leedahay magac gaar u ah iyo suuq lagu yaqaan oo loogu soo hagaago.

Qaadka loo yaqaan gaafanaha waa kan ugu suuqa badan ee bulshada ugu badana ay ku xidhantahay waxaana keena Gaafane company wakhtiyada qaarkood waxa dhacda in shirkadaha qaadka qaarkood ay ka habsaamaaan waqtigii lagu yaqaanay,hadaba wakhtiyo uu qaadka gaafanuhu dib uga dhacay wakhtigii uu iman jiray,waxa suuqyada qaadka laga dareemaa inaanu wali iman Gaafanihii,sidoo kale maalmaha khamiista ee jimcuhu soo galayo waxa inta badan caado ah in uu fiidka horeba dhamaanayo waxaanad arkaysaa goobaha qaadka gaafanaha lagu iibiyo oo six ad dhaaf ah loogu soo xoomay si aanu uga dhamaan Maalmihii ugu dambeeyey waxa ka jirtay dalka itoobiya xaalado xaga nabad galyada ah oo sababtay inay yaraadaan qaadadkii la keeni jiray Somaliland arintaasi ayaa noqotay mid siwayn looga dareemay dhamaaan dalka oo dhan ,waxaana qiimaha rubaca jaadka ah uu gaadhay 60.000sl sh oo u dhiganta 8$.

Dadka qaadka isticmaala oo aanu wax ka waydiinay ayaa noo sheegay inay hore looga siin jiray 30,000sl shilijng oo u dhiganta 4$ imikana uu libin laabmay Maxamed aadan oo ka mid ah dadka cuna qaadka gaafanaha ayaa yidhi, sadex cisho ayaa la galay qaad yaraan iyo sixirkiisii oo kor u kacay markaa waxaaba ka sii daran galin horeba waa dhamaad taasaa naga daran
Qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkada gaafane ayaa noo xaqiijiey inay jirto qaad yaraan xaga itoobiya ah taasaa kaliftay inuu sixirka qaadku kor u kaco Dhamaan dadka iibiya qaadka casarkaba dhameeya qaadka kuwaasi oo hadii aad waydiiso sababta kaliftay kuu sheegay kalmado ay caado u leeyihiin Niyow xagii galbeedka ayey wax ka dhaceen ayaa la yidhi oo dhawr cishoba waa JALABAN

Inkatoo la tilmaamo inuu qaadku ka mid yahay burburka ugu wayn ee dhaqaalaha bulshada Somaliland iyo dalkaba hadana waxa jira dad aad u tiro badan oo ka ganacsada iibka qaadka sidoo kale waxa dawladu ka qaadaa cashuur adag oo ku dhacda qasnada dawlada gaar ahaan wasaarada maaliyada
Diyaariye cabdicasiis maydhax