SULDAAN MAWLIID SABAYSE OO LA SII DAAYAY KA DIB MARKII LA WAAYEY CIDII SOO EEDAYSAY EE UU U XIDHNAA

0
497

SULDAAN MAWLIID SABAYSE OO LA SII DAAYAY KA DIB MARKII LA WAAYEY CIDII SOO EEDAYSAY EE UU U XIDHNAA

Suldaan Mawliid Sabayso oo maxkamadda gobolka Hargeysa ay maanta amar ku bixisay in la sii daayo maadaama cidii soo ash-kataysay ay hor iman wayday dhagaysigii dacwadii loo haystay, ayaa markii uu xabsiga kasoo baxay waxa uu warfidiyeenada u sheegay in xadhigiisa ay sabab u ahaayeen hadalo uu ku bayaamiyey, kuna dhaliilay siyaasado ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku dhaqanto oo ay ku boobayso xoolaha iyo hantida ummadda ka dhaxaysa sida dhulka dawladda, wareejinta haamaha shidaalka, madaarka iyo dekadda Berbera, maktabada Gaandi iyo qodobo kale oo arrimahaasi la xidhiidha.

Suldaan-Mawliid-Sabayse
Mar Suldaan Mawliid Sabayso la waydiiyey cidii xadhigiisa masuulka ka ahayd ayaa waxa uu ku jawaabay “Cidii dhibsatay dhaliilihii aan warbaahinta ka sheegay ayuun baa xadhigaygana ka danbaysay waana Madaxtooyadda”.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa saaka soo saartay xukun ay ku amrayso sii daynta suldaan Sabayso oo ciidamadda RRU-du sifo sharciga baalmarsan xabsiga ugu taxaabeen 17/9/2015, ka dib markii uu dhawr maalmood ka hor si kulul u naqdiyey qorshihii ay xukuumadu ku doonaysay inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay. Maxkamadda gobolka ayaa go’aankan ay suldaanka xoriyadiisii dib ugu soo celisay gaadhay markii ay cidii mudiciga ku ahayd oo dhawr jeer loo yeedhay ay ka warwareegeen inay maxkamadda hor-yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here