Suldaan Xiiray CV giisa uu heshiiska Somalia & Somaliland kaga qeyb gelayo by Abdi Mustafe

0
844

Suldaan Xiiray CV giisa uu heshiiska Somalia & Somaliland kaga qeyb gelayo by Abdi Mustafe

Abwaan Cali Jaamac Habiil wuxuu yidhi: (Tacaboow ba’ caawaba hadduu Timir i Caayaayo). Cay bay ku tahay bulshada reer Somaliland in oday dhaqameedku yidhaahdaan waxaannu ka qayb gelaynaa wada hadalada Somalia iyo Somaliland. Waa run oo dhowladii Silaanyo ee la doortay ee ummada uuga masu’alka ahayd arimaha noocaasa way ku fashilantay laakiin taa macna heedu maaha dabeed waxa xilka la wareegaya oday dhaqameed aan garanayn dhulku in uu wareego iyo in kaleoo cadayn teeduna tahay CV ga suldaan Xiiray waa shaah-shube ama miqaxwe oo intuu miyi ka yimi ayuu Hargiesa makhaayad shubi jiray. Kuwa oday dhaqameedka sheeganaya oo dhamina waa la wada mid. Qadiyada Somaliland waxay noqotay Hal la qalay raqdeedaa, Lagu soo qamaamoo, Qalalaasihii baa, Nin ba qurub haleeloo, laba waliba qaybteed, Qorraxday ku dubatoo, Qoloftiyo laftiibaa, Lagu liqay qallaylkee, Qosol wuxuu ka joogaa Qubannaa danbeeyee, Weli qaba hamuuntee, Buuraha qotada dheer, Ka arkaaya qiiqee, Qarka soo jafaayee. Hadaba xukuumada Silaanyo ha is casisho haday wadanka waxba u qaban kari wayday oo xaal keedu marayo in oday dha

qameedyo dhex gelayaan wadhadalada Somalia iyo Somaliland. Waa astaan Silaanyo qadiyada Somaliland ku bur-burinayo oo uu ka shaqaynayo sidii Somalia loogu biiri lahaa. Silaanyo waa malcuun aan daacad weligii ka noqon gooni isu taaga Somaliland.
Abmustafe@gmail.com