Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Somaliya Oo Ansixiyey Sharciga Maal Gashiga Shisheeyaha

0
419

Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Somaliya Oo Ansixiyey Sharciga Maal Gashiga Shisheeyaha

Muqdisho(Warsugannews):-Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga maal gashiga shisheeye oo mudooyinkii ugu danbeeyey horyaalay isla markaana ka doodayey.

Fadhiga maanta ee baarlamaanka dalka Somaliya oo shir gudoominayey gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa ka soo xaadiray 147 xildhibaan

Xildhibaanada oo mudooyinkii ugu danbeeyey dood ka lahaa sharcigan ayaa waxa u codeeyey ansixintiisa 147 mudane oo fadhigan goob joog ka ahaa, waxaana ogolaaday 143 xildibaan, waxaana diiday 1 mudane, halka 3 kalana ka aamuseen.

Sharcigan maal-gashiga shisheeyaha ayaa wuxuu maray saddex akhrin, iyadoo guddiga ganacsiga iyo warashada baarlamaanka Somalia ay dalbadeen ansixintiisa kaddib in lagu qoro luuqadaha Carabiga

iyo Ingiriiska, maadaama uu ku qoran yahay afka Soomaaliya oo keliya.