Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal iyo Madaxdhaqmeedka Beesha Oo Munaasibad Qado Sharaf ah Ku Maamuusey Suldaanka Guud Ee Beesha Warsangali

0
895

Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal iyo Madaxdhaqmeedka Beesha Oo Munaasibad Qado Sharaf ah Ku Maamuusey Suldaanka Guud Ee Beesha Warsangali

Hargeysa(warsugannews)-Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi,oo horkacaya Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Beesha Subeer-Awal ayaa, qado sharaf ku maamuusey Suldaanka Guud ee Beesha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire iyo Xubnaha marti sharafeedka Beesha Warsangali ee mudooyinkan dambe kusugnaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibadan Qado sharafta ah ee Salaadiinta Subeer-Awal oo Suldaanka Guud hogaaminayaa ku maamuuseen Suldaanka Beesha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ku qabsoontey Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa ayaa, aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana, ay

goob joog ka ahaayeen Masuulyiin Xukuumada katirsan, Madaxdhaqameed, Aqoonyahan iyo waxgarad tira badan oo labada dhinac ka kooban.

Ugu horeyn Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheesh oo ka mida salaadinta Subeer-awal oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad-celiyay Weftiga uu hogaaminayay Suldaanka guud ee Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud sida qiimaha lahayd ee ay Casuumada ay u sameeyeen uga soo ajiibeen, waxaanu ku tilmaamay qado-sharaftani inay tahay mid qiimo iyo sharaf gaara leh.

Sheekh Axmed Warsame oo ka mida odayaasha ugu da’a weynaa beesha Warsangeli iyo oday Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay Beesha Subeer-awal uga mahad-celiyeen Casuumadan qiimaha leh ee ay ku mamuuseen, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay mid miisaan iyo qiimo-weyn leh.isla markaana waxay waxay ku nuuxnuuxsadeen taariikhda faca-weyn ee labada beelood (Subeer-awal iyo Warsangeli) ka dhaxeysa.

Waxaanay Casuumadan qado-sharafta ahi ku soo gebogabowday jawi qurux baddan oo huwanayd kaftan iyo is-xaal-wareysi.

Salaadiinta Subeer-awal ee Casuumadan-qado sharafta joogay ayaa waxa ka mid ahaa Suldaan Mawliid Ibraahim Cali (Sabayse), Suldaan Shariif Batuun, Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh,Suldaan Maxamed Daahir iyo Siyaasiyiin, Mujaahidiin oo uu ka mid yahay Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne.
Halka Beesha Warsangeli uu goob-joog ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

Sidoo kale, waxa Qado sharafyada noocan oo kale ah dhawaan ku maamuusey Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Beesha Habaryoonis oo uu Horkacayoo Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, iyo Beesha Ciidagale oo uu horkacayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi kuwaas oo ku qabsoomay Huteelada Ambassador, iyo Dalxiis ee Magaalada Hargeysa.

1sul (1)

1sul

2suldaan

3(530)

4(491)

sabeyse

Suldaan-Xasan-Suldaan-Cabdilaahi

XXXXX(3)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here