Tacaddiyada Xukuumadda Axmed Silaanyo Ka Geysanayso Magaalada Berbera Waa Sharci Darro Wasiir ku Xigeennaduna Xaaq Uma Laha Inay Cid Xidhaan “Marwo Faadumo Siciid”

0
713

Tacaddiyada Xukuumadda Axmed Silaanyo Ka Geysanayso Magaalada Berbera Waa Sharci Darro Wasiir ku Xigeennaduna Xaaq Uma Laha Inay Cid Xidhaan “Marwo Faadumo Siciid”

Berbera(Warsugannews) Marwo Faaduma Siciid Oo Ka mid ah xubnaha firfircoon ee Xisbiga WADDANi Ayaa Maanta waxay ka hadashay arrimo kusaabsan wareejinta Haamaha Berbera iyo Weriyayaal Halkaas ku xidhan iyo weliba arrimo kale, iyadoo arrimahaas ka hadlaysana waxay hadalkeeda ku bilawday sidan:-

“Xukuumadda Somaliland xaaq uma lahaa in ay heshiis lagu wareejinayo dekada Berbera iyadu sharciyadeedu uu ku meel gadh yahay, sababta keliya mudo koordhinta loo koordhiye waxa ay ahayd markii ay ku fashilaantay in ay dorasho qabato wakhtigii mudada xilkaga kaga eekayd. Sida daradeed aya mudo koodhinta lagu sameye la sii bilaabo nidaamka iyo shurudihi loga baahna in la qabto dorasho xor iyo xalaal ah, lakinse may ahayn in ay wax la kaste dalka yalaay la iibiyo”.

“Gobolka Saaxil mahaa dal dayaaxa ama meel kale ku yaala, wa gobol ku yaala Somaliland. Madaarka, Hamaah kaydka shidaalka, warshada sibidhka, warshada korontoda iyo wixi kale ee hantida qaranka shacbi weynaha ee reer Somaliland ayaa iska leh, xukumaduna xaaq uma lahaa in ay iibiso oo hantida umada ku takrifasho islamarkana jeebabkooda ka buuxiyan lacagta haday sax iyo khalad tahay ba ama xaraan ama xalal ay tahayba. Taasna waxa ay muujineysa in aanay dalkan iyo dadkan waxba ka gelin iyadu madaxweynihi hore ee Dahir Riyaale Kaahin uu ku wareejiye dal mideysan islamarkana shacbigisu mideysan yahay, marka suasha is waydinta leh muxu wareejin doona madaxweyne Axmed Silaanyo?”.

Iyadoo hadalkeeda sii wadatana way tidhi “Waxa uu wareejinaya dal Kala qaybsan oo dadkiisuna kala qaybsan yahiin islamarkana taarkhidisuna lagu xasusan dono qabyaalada, musuq maasuq, cadalaad darro heerki ugu sareyse, xadhigyada sharci darrada ah, dilalka oo heerki ugu sarayse ay marayso manta iyo rajaadi dalka ee ictiraafka oo shacbiga la ilowsiyee islamarkana la babi’biye, ujeedada laga leeyahay reer Saaxil manta in ay kaacdoon sameyaan lakinse, shacbiga reer Saaxil wa shacbi dalkiisa iyo dhulkiisa jecel oo mar walba heegan uga jira difaaca magaaca iyo sumcada iyo milgaha ay Somaliland leedahay”.

Ugu danbayntiina Marwo Faaduma Siciid iyadoo ka hadlaysa xadhigga xukuumaddu ka geysanayso magaalada Berbera waxay tidhi “Xukumada Somaliland waxa ay si sharci darro ah uu xidhay dadweynaha iyadu wax sharci iyo asbaab toona uu lahayn, qoloyinka saxafaadana waxa aan ugu mahad celinayaa warbixinta aad umada uso taabisan, lakinse waxa hubaal ah in marnaba codka shacbka in aan la amusiin karin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here