Taariiikh Nololeedkii Mujaahid Maxamed C/laahi Guri Barwaaqo (Fani) 1950—2008.W/Q:- Miyir Cali Xuseen Qaybtii Koobaad

0
537

Taariiikh Nololeedkii Mujaahid Maxamed C/laahi Guri Barwaaqo (Fani) 1950—2008.W/Q:- Miyir Cali Xuseen Qaybtii Koobaad

Mujaahid Gaashaanle Sare Eng.Maxamed C/laahi Guri Barwaaqo (Fani) wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa 1950-kii , Malcaamadii Quraanka waxa uu ka galay magaalada Hargeysa,Dugsigii hoose waxa laga qoray magaalada Berbera 1958-kii isla sanadkaas waxa uu usoo bedeshay magaalada Hargeysa gaar ahaan dugsigii hoose ee Biyo Dhacay halkaas oo uu kula magac baxay naanaystisii Barbaraawi, Sanadkii 1961 waxa uu u wareegay Biyo Dhacayga Sare waxaanu dhameeyey Dugsigiisii H/Dhexe 1965-kii halkaas oo uu kula baxay Naanaystiisa caanka noqotay Fani,Isla sanadkaas waxa uu galay dugsigii sare ee Banaadir waxaanu dhameeyey dugsiga sare 1969-kii ,Sanadkii 1970 waxa uu ka mid noqday Saraakiishii Ciiidamada Cirka waxaana waxbarasho Jaamacadeed loogu diray wadankii Midowga Soofiyeeti ee Ruushka ,waxaanu Jaamacadaas soo dhamaystay sanadkii 1973-kii,Isla sanadkaasina waxa uu kusoo noqday Wadankiisii Soomaaliya waxaanu ka hawl-galay Saldhigii Ciidamada Cirka ee Bali Doogle.

Gaashaanle Sare Mujaahid Maxamed C/laahi Guri Barwaaqo (Fani) waxa mar labaad waxbarasho Jaamacadeed loogu diray wadankii Ruushka 1975-kii, 1977-kii ayaa ay Cilaaqaadkii ay kala goosteen labadii wadan ee Soomaaliya iyo Ruushku kadib markii uu dhacay dagaalkii dhex maray Soommaaliya iyo Itoobiya oo Saamayn weyn ku yeeshay Cilaaqaadkii siyaasadeed ee labada wadan taasoo sababtay in lasoo mustaafuriyo ardaydii Soomaalida ahayd ee wax ku baran jirtay wadanka Ruushka,

Gaashaanle Sare Eng.Maxamed C/laahi Guri Barwaaqo (Fani) 1978-kii waxa mar kale waxbarasho Jaamacadeed loogu diray wadanka Masar isagoo soo dhamaystay sanadkii 1984-kii isagoo isla markaasina noqay Ingineer dhinaca diyaaradaha ah isagoo noqday ardaygii ugu sareeyey Jaamacadii Masar ee uu dhiganayey oo dhan waxaana bilad sharaftii uu kaga guulaystay u xidhay Madaxweynihii waqtigaas ee Dawlada Masar Xusni Mubaarik isla sanadkaas 1984-kii waxa uu kusoo noqday wadankiisii Soomaaliya isagoo isla markiiba noqday Taliyihii Saldhiga Cirka ee magaalada Baydhabo.

Lasoco qaybta danbe

Miyir Cali Xuseen

miyircali@gmail.com

Moble: 0634046313

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here