Suldaanka Beesha Subeer Awal Oo Soo Dhaweeyay Ciidamadii Wabar ee kusoo guryo noqday dalkooda

0
630

Suldaanka Beesha Subeer Awal Oo Soo Dhaweeyay Ciidamadii Wabar ee kusoo guryo noqday dalkooda

Hargeysa, (Warsugannews) — Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyay talaabada lagu soo xera galiyay Maleeshiyada Suldaan Wabar taageerada u ahaa in ku dhaw sanad ee maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada qaranka Somaliland.

Suldaanka oo War-murtiyeed kooban ku baahiyay bartiisa Xidhiidhka Bulshadda Ee FACEBOOK-ga,ayuu si weyn ugu mahad celiyay salaadiinta, madax dhaqmeedka awdal, guud ahaan waxgaradka deegaanka sidoo kale madaxweyne xigeenkii hore Mujaahid Cabdiraxman aw Cali Faarax.

“Gobonimada dadkaa iska leh guusha iyo galadana alle swt. Waa gobonimadii lagu yiqiin reer awdal talaabada hormuudka u yihiin madax dhaqameedka waxgaradka culimada reer awdal uqaadeen in ay soo afmeeraan maanta 16 November, 2015ka ee lagu soo dhaweeyay ciidamadii kusoo guryo noqday dalkooda talaabadan oo ah mid hore loogu qaaday nabada.

Runtii farxad weynbay Inoo tahay guud ahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland gudo iyo debadba waana talaabo geesinimo ah guula ah waxa mahada kowadle allaha awooda badan ee inagu guuleeyay inaynu nabad ku soo dabaalno qadiyadan oo inagu mudnayd werwerkeeda lahayd inagu cuslayd marka xiga salaadiinta awdal iyo madax dhaqmeedka awdal iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka sidoo kale madaxweyne xigeenkii hore Mujaahid Cabdiraxman aw Cali Faarax iyo guud ahaan shacabka reer awdal oo marka horeba ku suntanaa qaranka dhismihiisa iyo dhidib utaagii nabada iyo qaranimada oo talaabo geesinimo ah ugu guntaday inay maantana inaga fujiyaan warankii inagu taagnaa ee xiisadani oo noqonaysa lexejeclo weyn oo taariikhi ah hambalyo iyo duco ayaan u dirayaa cidwaloo ka qayb qaadatay islaaxa iyo tasliixa dedaalna ugashay oo xaga allena darajo weyna inuu miisaanka xasanaadka alle u saaro.

Cidkasta oo gacan ku siisay waana midaanu ku diirsanay guud ahaan reer Somaliland oo idil waana muhiim inaynu isu kaashano dhamaanteen inaynu gacmaha isu qabsano nabad gelyada gayigeenu GABO gabo waa in ay xukuumadu siweyn usoo dhaweysaa ugu hagar baxdaa ciidanka soo guryo noqday iyo masuuliyintooda iyo guud ahaan waxgaradka hawshani ka hawlgashayba.

Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

HARGEYSA/SOMALILAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here