War deg-deg ah: ALLE ha u naxariistee waxa hada Dalka Ethiopia ku Geeriyooday Weriye Axmed Xasan Cawke.

0
382

War deg-deg ah: ALLE ha u naxariistee waxa hada Dalka Ethiopia ku Geeriyooday Weriye Axmed Xasan Cawke.

Hargeysa(Warsugannews)IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN:- Subaxnimadii hore ee saaka ayey ahayd markii uu geeriyooday Alle ha u naxaristee Ruug-cadaagii Bahda Saxaafada Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Tiirarka ay ku dhisan tahay mihnada Saxaafada, una ahaa tusaale fiican oo mudooyin badan ka soo dhex muuqday saxaafada ku hadasha afka soomaaliga.

Marxuumka oo ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ayaa la filayaa in saacadaha soo socda la keeno Dalka Somaliland oo lagu aasi doono hadii eebbe qadaro.

Guud ahaan Bahda Warsugan Media Group waxay tacsi u dirayaan saxaafada ku hadasha afka Somaliga, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo guud ahaan inta ku hadasha Afka Somaliga ee uu ka baxay Marxuumku, waxa uu ahaa shaqsi taariikh iyo magic kaga tegay aduunka, taariikhduna xusi doono.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here