Tababaraha Inter Milan oo sheegay inay ciyaartoy tayo fiican joogaan kooxda balse ay qabaan dhibaato maskaxeed

0
341

Tababaraha Inter Milan ee uu heysto cadaadiska xoogan Frank de Boer ayaa aaminsan in xiddigaha kooxdiisa ay la dhibtoonayaan dhibaato maskaxeed kaddib guul daradii afaraad 5-kulan oo horyaalka Serie A.

Fabio Quagliarell ayaa goolka madiga ah ka dhaliyay Inter Milan dhammaadka qeybtii hore ee dheesha balse inkastoo ay kooxda martida ahayd is dar dar galisay qeybta labaad ciyaar fiicanna la timid way ku guul darreysatay inay goolka iska soo gudo.

Natiijada xun ay markale heshay Inter Milan waxay sare u sii qaadeysaa qiyaas fikradeedkii laga qabay in kooxda laga ceyrinayo De Boer iyadoo booskiisa lala xiriirinayo macallinkii hore ee PSG Laurent Blanc iyo waliba Leonardo.

“Tani waa arrin maskaxeed, waxaan leenahay tayo badan laakiin wax badan ma sameyn karno marka aan leenahay maskaxda aan arkay qeybtii hore ee dheesha,” macallinkii hore ee Ajax Frank de Boer ayaa sidaa u sheegay Mediaset Premium.

“Dhibaato ayaan qabnaa waqti xaadirkan, waxaan kooxda ku iri intii lagu maqnaa waqtiga nasashada inay tahay inaan is badelno, waxayna u muuqatay koox kale qeybtii labaad ee ciyaarta.

“Waa inaan iska ilownaa qeybtii hore, ma aynaan ciyaarin, qeybtii labaad, Haa, waan ciyaarnay laakiin kuma aynaan bilaaban sidan oo kale, kaliya markaan ciyaarnay 45-daqiiqo kaddib, aad ayaan uga niyad jabay qeybta hore.”.