Maradona; “Juventusta haatan haddii ay xilligaygii ahaan lahayd 4 gool ayaan ka dhalin lahaa, haddii aydnaan garanaynna Aabayaashiin ayaad weydiin kartaan”

0
468

–Xidiggii hore ee kooxda Napoli iyo xulka Argentina, Diego Maradona ayaa xalay u dabaal degay sanad guuradii 56′ ee ka soo wareegatay dhalashadiisa, waxaase xoogaa farxadda dhalasho u dabaal deggaasi ka qasay goolkii uu Gonzalo Higuain ka dhaliyay Napoli ciyaartii labada kooxood ee xalay oo 2-1 ay guushii ku raacday Juventus.

Guudarradaasi ayaa waxay keentay in Napoli ka dhacdo kaalinta 3′ isla markaana isku dhibco noqdaan AC Milan (min 20 dhibcood).

Maradona ayaa muuqaal video ah oo uu soo dhigay Bartiisa Internet-ka waxa uu ku yiri “Waa sanad guuradii 56 ee dhalashadayda, laakiin waxaan ka murugeysanahay guuldarradii naga soo gaartay Bianconeri, Juventus-ta haatan haddii ay ahaan lahayd waqtigaygii waxaan awoodi lahaa inaan ka dhaliyo 4 gool, haddii aydnaan garanayn waxaad weydiin kartaan Aabayaashiin, Juventus-ta haatan sidaa uma adka”.

Maradona ayaa ka hadlay shaqsiyadda laacibkii hore ee Napoli ee ku biiray Juventus isla markaana goolkii guusha ka dhaliyay kooxdiisii hore, waxaana uu yiri;

“Anigu ma ihi Khaa’in sida Higuain, waxa uu Higuain sameeyayna waxba igama gelin (inuu u dabaal degi waayo goolkii uu dhaliyay), hadduu doono waddadiisa ha isaga sii socdo, aniga dhab ahaantii ma danaynayo, anigu waan deganahay maxaa yeelay marnaba iskama siibin funaanadda Napoli weligeey, Wadnahaygana waxaa weli uu la garaacmayaa Jaceylka Napoli”.