Tacsi: Wasaaradda Madaxtooyada JSL oo ay ugu horeeyaan Masuuliyiinta iyo guud ahaan Shaqaaluhu waxay tacsi u dirayaa Qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Warsame Xirsi (TITI)

0
416

TACSI
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

1. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi
2. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees
3. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Arrimaha Gobollada Bari ee JSL, Md. Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab)
4. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh)
5. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Md. Cali Axmed Cali
6. Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr)
7. Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada JSL, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi)
8. Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada JSL Md., Maxamuud Cabdilaahi Xarbi
9. Agaasimaha Xisaabaadka Madaxtooyada JSL Md Maxamed Xirsi Xasan (Digaale)
10. Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada JSL Md. Abshir Xasan Xaashi
11. Xoghayaha labaad ee Madaxweynaha Md. Mowliid Maxamed Xaashi
12. Xoghayaha Golaha Wasiiradda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) iyo Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed Warsame Xirsi (TITI) oo ka mid ahaa tiirarka waayo araga ah ee Masuuliyiinta Madaxtooyada muddada dheer ka shaqaynayey, xilal kala duwana ka soo qabtay Qasriga, sannadihii u danbeeyeyna ahaa Madaxii Xoghaymaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xalay ku geeriyooday Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2016.

Waxaanay dhamaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Madaxtooyadu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu u naxariisto suaasha qabrigana u fudaydiyo, intii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.