Waftigii Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo Sidoo Kalena Soo Maray Deegaanno Kale + Sawiro‏

0
722

Ceerigaabo(Warsugannews)-Waftigii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Uu Hor Kacayay Ee Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland Ku Marayay Gobolada Bariga Somaliland Ayaa Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Deegaannada Xudun , Ceel-Afwayn Iyo Ceerigaabo .

Gudoomiyaha Iyo Waftigiisa ayaa markii ay gaadheen Deegaanka Xudun waxaa halkaasi loogu sameeyay soo dhaween iyo sooryo fiican iyadoo markii danbe loo galbiyay hool ku yaal isla deegaankaasi .

Waxaana Halkaasi Hadallo kala duwan ka jeediyay Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaankaasi ayaa si qalbi furan u soo dhaweeyay Gudoomiyaha iyo Waftigiisa .

Waxaanay si isku mid ah u sheegeen in ay ka arradanyihiin waxqabadka Xukuumadda Somaliland oo aan ilaa intii ay Somaliland la soo noqotay aanay jirin wax qabad laga hirgaliyay Deegaankooda .

Waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Cawil Fiiqle oo ka mid ah xubnaha waftiga waxaanu ka warramay qiimaha ay leedahay in lagu wada noolaado walaalnimo oo la ilaaliyo nabadgalyada isagoo ku gubaabiyay in ay wax la qeybsadan shacabkooda Somaliland .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodu ku koobnaa nabadda iyo midnimada Somaliland isla markaana ka warramay qiimaha ay leedahay ilaalinta jaarnimada iyo wada noolaanshaha isagoo kula dardaarmay in ay nabadda iyo wada jirka Somaliland ka shaqeeyaan .

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wixii baahi ah ee jirta ay ogaan doonaa una kuur gali doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Deegaankaasi .

Intaasi Ka dib waftigu wuxuu soo maray deegaanka Ceel Afwayn iyo deegaanno kale waxaana dhamaan deegamaadaasi loogu soo dhaweeyay si diiran .

Ugu danbeenti waftigu wuxuu u soo kicitimay Magaalada Ceerigaabo ee Magaaalo Madaxda Gobolka Sanaag waxaana halkaasi kaga hor tagay Taageerayaasha Xisbiga Ucid oo ay weheliyaan gaadiid tiro badan iyo Calanka Xisbiga Ucid kuwaas oo si farxadi ka muuqato ugu qaabilay Duleedka Magaalada Ceerigaabo Gudoomiyaha Iyo Waftigiisa .

Waxaana loo soo galbiyay Waftiga Gudaha Magaalada Iyadoo hareeraha Waddooyinka lagu arkaayay Dadwayne safan oo salaamaya Gudomiye Faysal Cali Waraabe iyo Waftigiisa .

Madaxda Xisbiga iyo Madax Dhaqameedka Ceerigaabo ayaa Weedho Soo dhaween ah ku qaabilay Gudoomiyaha Iyo waftigiisa .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta uga warramay Socdaalkiisan ayaa sheegay in ay saaka ka soo jarmaadeen Gobolka Sool isla markaana ay soo maren deegaanno badan kuwas oo uu sheegay in ay ka mahad sheeganayeen Ciidamda oo ay ku tilmaameen kuwo fiican oo si wacan ula nool .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay dhismaha waddada ceerigaabo oo uu sheegay in shaqadeedu si fiican u socoto isagoo gobolka Sanaag ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha waddada ceerigaabo .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in markii kowaad tahay oo uu soo booqdo waddada Ceerigaabo sidoo kalena muddo ku siman shan sanno aanu iman Gobolka Sanaag .

Waxaanu Gudoomiyuhu sheegay in safarkoodani yahay socdal Nabadeed oo ay rabaan in ay la shiraan Beelaha oo ay u sheegaan in aanay jirin Affar Beelood oo wada dagaa Ceerigaabo balse Gobolka Sanaag ay degaan hal beel oo reer Somaliland .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in gobolka la dayacay balse uu noqon doono Gobolka ugu qaalisan Somaliland .

Waaanu ugu danbeentii u mahad naqay Dhamaan taageerayashii soo dhaweeyay iyo saxaafadda gobolka Sanaag .

Socdaalkan Nabadda Iyo Mideenta Somaliland ayaa noqday mid si wayn looga dareemay Gobolada Bariga Somaliland taas oo sabab u noqotay In deegannada kala duwan ee Barigu uu mid waliba uu is abaabulo isla markaana ay soo dhaween balaadhan kala hor tagaan Gudoomiyaha iyo waftiga .

Waxaanu Gudomiye Faysal Cali uu maalinta Barri uu xafiisyo ka furi Doono Magaalada Ceerigaabo .

IMG_5603

IMG_5591

IMG_5586

IMG_5583

DSC_0001