Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Deyr Ciidanka Qaranku U Sameeyeen Dugsiga Cadaadley Ku Wareejiyey Gudida Dib U Dhiska Dugsiga Cadaadley‏

0
583

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Deyr Ciidanka Qaranku U Sameeyeen Dugsiga Cadaadley Ku Wareejiyey Gudida Dib U Dhiska Dugsiga Cadaadley‏

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Deyr Ciidanka Qaranku U Sameeyeen Dugsiga Cadaadley Ku Wareejiyey Gudida Dib U Dhiska Dugsiga Cadaadley

 Cadaadley(WARSUGANNEWS)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa xadhiga ka jaray Deyr weyn oo Ciidanka Qaranka Somaliland kaga qayb-galaayey dib u dhiska Dugsiga Sare ee Cadaadley

Munaasibad balaadhan oo Deyrkan Ciidanka Qaranku ku u dhisay Dugsigan Cadaadlay lagu wareejinaayey oo lagu qabtay xarunta Dugsigan ayaa ugu horeyn hadalo kooban oo mahadnaq ah kasoo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Cadaadlay Md.Cumar Nuur Xuseen isagoo si weyn ugu mahadnaqay Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo uu tilmaamay inuu sidii loo baahnaa uga soo baxay balankii uu kaga soo balanqaaday inuu uga soo baxay ,Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqale iyo Ciidankiisu mudo kooban oo aan dhamayn Sadex Todobaad ay ku dhamaystireen inay dayrkaas balaadhan ee tayada badan kusoo wareejiyaan Dugsiga.Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Degmada Cadaadlay waxa uu u mahadnaqay Taliyaha Hawlgalinta Guud ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale iyo Askartii tirade badnayd ee xoogooda ku dhisay Deyrkan

Sidoo kale waxa madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Suldaan Maxamuud Cabdi C/laahi Xaaji Aadan isagoo isla markaasina tilmaamay inuu aad ugu hambalyeynaayo Taliyaha Ciidanka Qaranka sida dhakhsaha leh ee uu u fuliyey balankii ka qaaday dayrka dugsigan kaas oo uu Suldaanku sheegay inuu ku fuliyey mudo ka yar Sadex todobaad taas oo uu tilmaamay inuu ku dhisay deyr baaxadle oo tayo weyn leh kaas oo taariikhda ugalidoona laguna xasuusan doono.

Suldaan Maxamuud oo ka waramaayey doorka uu deyrkani ka qaatay dib u dhiska Dugsiga ayaa waxa uu yidhi”waxa aan halkan uga mahadnaqayaa Taliyaha Ciidaanka Qaranka Somaliland oo aan uga mahadqayaa sida wadaniyada leh ee uu uga qaybqaatay dhismaha dugsigan oo uu ka qaatay qaybtii ugu muhiimsanayd oo ah inuu daboolay kharashkii ku bixilahaa deyrka oo kharashkii ku bixilahaa oo lagu qiimeeyey 50,000$ ku bedelay silig iyo kaabado shuba oo uu ku wareejiyey dugsiga isagoo ka faaiideeyey Man Powerkii Ciidanka oo dhisay deyrkan oo ah mid ka tayo badan oo lagaga maarmay deyrkii qaaliga ahaa ee ay ku baxaysay lacagtaasi xadiga badan iyadoo isla markaasina uu ka faa’ideeyey farsamadii iyo xoogii ciidanka Qaranka

Suldaan Maxamuud Xaaji Aadan ayaa sidoo kale kajawaabay Eedo dhawaan saxaafada loo mariyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqale taas oo lagu eedaynaayey Deyrkan Taliyuhu ugu deeqay Dugsigan oo uu yaraantiisi kasoo baxay isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” Waxa aan halkan doonayaa inaan kaga jawaab eedo insho la’aan ah oo maalin dhawayd ay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqale qaar kamida waxma-garatada Somaliland ku xajiimaynayeen ,Kuwaas oo aan u aragno inay yihiin dad ka xun horumarka dalka gaar ahaan Deegaanka Dagmada Cadaadlay”

Gabagabadii.Munaasibadan ayaa waxa hadalo kooban kasoojeediyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale isagoo isla markaasina ugu horeyn u mahadnaqay Askartii iyo Saraakiishii ka socday Ciidanka Qaranka ee hawshan gacanta ku hayey iyo sidoo kale maamulka degmada oo si fiican ugala hawl-galay intii ciidanku ku hawlanaayeen dhismaha Deyrkani

warsuganmedia@gmail.com

warsugan15@gmail.com