Talyaaniga oo soo furtay dad lagu haystay Liibya

0
675

waaxa qoray yaasir br .

Xukuumadda Talyaaniga ayaa sheegtay in saddex qof oo afduub loogu haystay dalka Libya ila bishii Sebtembar la soo furtay oo ay haatan ku suganyihiin dalka Talyaaniga.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibaddu ayaa lagu sheegay in laba qof oo Talyaani ah iyo mid u dhashay Canada, lagu soo furtay hawlgal la qaaday goor habeenimo ah oo y gacan ka gaysteen maamulka heer deegaan ee goobta afduubka loogu haystay ee dalka Libya. Warbixintu tafaasiil dheeraad ah kama ay bixin gacanta laga helay maamulka maxalliga ah.

Labada qof oo ah farsamoyaqaano u shaqaynayey shirkad ka shaqaysa dhismaha madaarrada ayey dabley hubaysani ka afduubteen koonfur galbeed ee dalka, wax madax furasho ah ama dalab kale na kama uu soo bixin kooxda wax afduubatay.

Shirkado badan oo Talyaani ah ayaa ka shaqeeya dalka Libya, shaqaalaha shirkadahan ayaa inta badan waxa beegsada oo afduubta kooxaha hubaysan ee dalka ka jira tan iyo intii ay nabad galyadu faraha ka baxday_92281235_0b3b97f4-8692-4ecb-972a-091168eb5600