Taraafiiga iyo Tagaasida – W.Q. Abdifatah Mohamed Ahmed (Ceelabe)

0
608

Taraafiiga iyo Tagaasida – W.Q. Abdifatah Mohamed Ahmed (Ceelabe)

Taraafiiga iyo Tagaasida – W.Q. Abdifatah Mohamed Ahmed (Ceelabe)
Ciwaankan Sarre Ayaa ah Arragtida Labaad ee aan Toddobaadkan idinla Wadaagaayo uguna Dambeysa Tan iyo Usbuuca Dambe,Waa Ciidanka Taraafiiga Somaliland,Waxaannan Idiinku soo Gudbinayaa Fikrado Door ah oo laga soo uruuriyey Dadyow kala duwan.

Ugu Horreyn aynu bal Kaahin Wax ka weydiino sida uu u arko Taraafiga Somaliland gaar ahaann Caasimadda Wuxuuna ku Jawaabey

“Annigu horta Shakhsiyan Ma lihi Wax-Baabuur ah Jidkana aad uguma Socdaalo,Sidaa daraadeed Wax baddan kaagama sheegi karo Shaqqada Taraafiga”.

Muse: Ayaa isaguna Qaba Arrintani wuxuuna Yidhi

“Horta Taraafiga somaliland annigu waxaan odhan lahaa Tiro ahaann wey Yar-yihiin ee intani ha laga badiyo,sidoo kalle Dhammaan Jidadka Caasimadda ha la wadda dhigo oo Keliya yeyna taagnaanin Waddadan Wadnaha iyo Halbawlaha”.

Ifraax: Ayaa iyaduna Fikirkeeda idiinku soo Gudbineysa Qoraallkano oo leh

“Gadiidka Basaska ayaan inta badan ku safraa,Waxaan arkaa jidadka oo aaney si rasmi ah ugu sugney Ciddanka Nabad-gelyadda waddooyinku,Saxmad iyo Cidhiidhi badan Ayaannu la kulanaa wakhtiyo badan”

Sacad: oo aan Isna wax ka weydiiney Sida taraafikadu ugu Shaqeyso Gudaha caasimadda hargeisa ayaa ku Jawaabey

“Saacaddaha ay Shaqqeeyaan ayaa yar,Marar badan baabuurta wey isaga Dhex-baxaan oo Sheeko iyo Shaah ayey Qabsadaan,Markasta Ha Joogaan Jidadka”.

Amran: Waxa ay Tidhi iyada oo Dareenkeeda Cabbireysa

“Annigu waxaan Tacsi u dirayaa Midd ka mid ah Ciiddamada taraafiiga Somaliland oo Dhawaan ku Geeriyoodey Caasimadda,Nimankaasi Cadceeda taagana Illaahey Hawsha ha u Fududeeyo”.

Mubaarik: oo Qurbo-Joogga ah Ayaa isaguna Rayigani Aaminsan

“I think Wax badan Ayaa Khaldan ama Dhimman,Habka Ciddaamada Nabadd-Gelyada Waddooyinku uga Hawl-galayaan Waddooyinka Caasimadda Hargeisa Waa Very Poor,u Know in Uk it is Different,Here bad congestion and Jam,Narrow Roads,More vehicles and Less Traffic,No Good Parking the list goes on and on.”

Ibraahim: Wuxuu leeyahay

“Marar badan Ma Joogaan oo horre ayey u Fadhiistaan Qayilaada sida Jaadka iy Sigaarka Ayey intooda badani ku mameen oo Shaqadii seejineysa“.

Idil: iyaduna Waxa ay inala Wadaageysaa Waayo-aragnimadani

“Waxa ay i Qabteen Maalin anniga oo wata Baabuur aan Cashuurneyn,kala wareejin laheyn,inkasta oo aan Liisan dhacsan watey,Waa la iga Xareeyey,Waanan Xassuustaa Dhibtii i gaadhey iyo Lacagtii aan ku soo saarey intaba”.

Carafaad: isaga oo cadheysan Ayuu yidhi

“Shaxaadka iyo Wax Weydiinta Ayaan ku Nacey,Sharciga ma illaaliyaan,addiga oo aan waxba siddanin ayuu markuu shaahiisa ka qaato ku sii deynayaa Markaa sharcigii mee,Waar baabuurtan aad Madaxa kula Jirtaan iska daaya”.

Sekeriye: Isna Wuxuu u cadheysan yahay Ciiddanka Taraafikada wuxuun yidhi

“Marar badan oo aad warqaddihii oo dhan Sidato oo sharci ah Ayey haddana Mar-marsiiyo ku sameynayaan si ay Lacag kaaga qaadaan,Annigu waxaan Odhan lahaa dhammaan nimanka taraafikada ah ha la wadda beddelo “.

Suldaan Cali: Wuxu Ku Darsadey Wareysigani

“Annigu waxaan odhan lahaa Somaliland waa dal-yar oo soo Koraaya isla markaasi Horumar sameeyey,Ciddanka taraafiigu waa Askar tababaran,in la dhiirri-geliyana inaga mudan,Somaliland ha Jirto oo hore ha u socoto”.

Mohamoud: waxa uu yidhi

“Annigu inta badan Ma cashuuro gaadhiga,ma kala wareejiyo,buug liisana ma lihi oo si Farsamo ah ayaan Jiddadka u maraa,mararka Qaarkoodna waxaan Kaxeystaa baabuur leh sharci dhammeystiran si aan ugu soo Adeeggto”.

Ugu Danbeyntii Xawaaraha Baabuurtu ku socoto iyo Shilalka Dhaca sida loo Mareeyo,Baabuurta Xamuulka ah ee Jidadka maalinta cadd xidhaya,ama Alaabta laga Dejinaayo,Waddooyinkii oo baabuurta lagaga dhex-tagaayo Ayaa iyadduna u baahan in horumar intan ka badan laga sii sameeyo oo ay Taraafikadu u feejignaato.

Akhriste Taraafiga iyo Tagaasida ha loo kala baxo,Addigu Maskaxdaada wax ku Darso Ammaan iyo Dhalliil labadaba waxaad Ka rumeysan tahay Ciiddamadani,La kaasho Garaadkaaga,

Ceelaabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here