Tareennada Denmark iyo Jarmalka Isku Xidha Oo Dib U Hawl Galaya Kadib Muran Dhinaca Muhaajiriinta Ah

0
472

Tareennada Denmark iyo Jarmalka Isku Xidha Oo Dib U Hawl Galaya Kadib Muran Dhinaca Muhaajiriinta Ah

Tareennada u kala baxa dalalka Denmark iyo Jarmalka ayaa maanta caadi u shaqa bilaabaya, kaddib markii heshiis lagu dhammeeyay is mari waa ka dhex taagnaa booliska Denmarka oo ku salaysnaa qaxooti ka badan saddex kun oo isugu jira qaxooti iyo muhaajiriin oo dabayaaqadii todobaadkii hore gaadhay dalka Denmark.

Waxaa hadda aad u badatay tirada dadka doonaya in ay Denmark sii maraan si magangelyo ay u weydiistaan Sweden.

Dalka Denmark ayaa dhawaan doortay dowlad ballanqaaday in ay si adag wax uga qabaneyso arrinta muhaajiriinta, waxaana ay dowladaasi u muuqataa mid sida uu yahay u raaceyso sharciga magangelyo doonka ee u yaalla Yurub.

Madaxa booliska qaranka ee Denmark, Jens Henrik Hojbjerg, ayaa sheegay in ciidammadiisa ay wajahayaan caqabad gaar ah, maadaama qaxootiga dalkiisa soo gaadhay ay doonayaan in aan lala hadlin oo ay usii gudbaan Sweden.

Muhaajiriinta ayaa doorbidaya Sweden maadaama dalka Denmark uu dhawaan kala badh dhimay lacagaha caydha ah, isla markaana uu adkeeyay qaadista dadka loo dacwoodo.

Sida uu sheegay booliska Denmark, Jarmalka ayaa hadda u ballanqaaday in aanu soohdinta ay wadaagaan usoo diri doonin qaxooti dheeraad ah, marka laga reebo kuwa doonaya in ay iska dhiibaan Denmark.

Tani ayaa ka dhigan in qaxootiga doonaya Sweden ay dalkaasi ku geli karaan oo keliya in ay maraakiib kasoo raacaan Poland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here