Garyaqaanka Guud Oo Sharciga U Eegay Muranka Wareejinta Haamaha Shidaalka iyo Halka Uu Dastuurku Ka Istaagay Hantida Guud

0
527

Garyaqaanka Guud Oo Sharciga U Eegay Muranka Wareejinta Haamaha Shidaalka iyo Halka Uu Dastuurku Ka Istaagay Hantida Guud

Hargeysa(warsugannews)September-09-2015-Garyaqaanka guud ee qaranka , Ibraahin Iidle Saleebaan, oo saxaafaddu wax ka waydiisay muranka sharci ee madaxtooyada iyo golaha wakiillada u dhexeeya ayaa ku dooday in xukumaddu xaq u leedahay wareejinta haamaha shidaalka iyadoo raacaysa dastuurka.

“Xukuumaddu awood sharci ma u leedahay inay gasho heshiisyo mawduucaa laga hadlayo ee go’aanku ka soo baxay, maadaama sidaan hore u soo sheegay go’aankaasi aanu Xukuumadda waajib ku ahayn, sababta aanu waajib ahayna aan soo sheegay wey u banaan tahay Xukuumadda tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan iyo tallaabo kasta oo ay ka qaadayso ama ay ku maamulayso haamaha iyo wixii kale ee la mid ahba. Maadaama aanu jirin xeer iyo sharci mamnucaya oo iyaddu (Xukuumadda) ay ka masuul tahay oo Madaxweynuhu muddo hore ayuu soo saaray Digreeto uu ku hoos geynayo haamaha shidaalka Wasaaradda ganacsiga, islamarkaana uu meesha saaray maamulkii ay maamulaysa shirkaddii TOTAL.” Ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan

Ibraahim Iidle Saleebaan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray “Laga bilaabo maalintaa ilaa maanta waxa maamulaya oo gacanta ku haya Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, sidaa darteed wey u banaan tahay haddii heshiis la galo in la geynayo golaha iyo inaan la geynayn waxay ku xidhan tahay dabeecada heshiiska oo waxa jira heshiiyo Dastuurku yidhi ha la hor geeyo Golaha Wakiillada oo ay ansixin ku leeyihiin iyo heshiiyo aanay ku lahayn. Heshiisyadaa ay ku leeyihiin waa kuwa Dastuurku tilmaamay, markaa haddii Xukuumaddu gasho heshiis ka mid ah heshiiyada Dastuurku tilmaamayna, sharciga waa la raacayaa oo waxa la hor geynayaa Golaha Wakiillada.” Ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee qaranka.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hantida Qaranka:

Qodobka 12-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku saabsan Hantida guud ayaa tilmaamaya awoodda xukumaddu u leedahay ku tasarufka iyo ilaalinta hantida umadda iyadoo raacaysa sharciga, inkasta oo aan la unkin xeer dastuurku jidaynayo oo lagu maamuli lahaa hantida guud. Farqaddaha qodobka 12-aad ayaa u dhigan sidan;-

2. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.

3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti­guurto ama ma-guurto ah, inay iibsato, u iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

5. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa’iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.

Qodobka 35-aad oo awooddaha golaha wakiillada ka hadlaya ayaa sidoo kale farqaddiisa saddexaad u dhigan tahay sidan:-

3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo­saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

Muranka sharciga ee Xukumadda iyo Wakiillada.

Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo oo adeegsanaysa qodobka 12-aad ee dastuurka iyo farqaddihiisa ayaa gasha heshiisyo ay ku wareejinayso hantida guud iyo kuwo ay la gasho shirkaddaha, balse ma gayso heshiisyadaasi golaha wakiillada.

Golaha wakiillada ayaa isna ku doodaya in xukumaddu awooddooda maroorsanayso islamarkaana la dhinac marayso heshiisyada ay awoodda u leeyihiin inay ansixiyaan, waxaanay taasi keentay in wakiilladu laalaan heshiis xukumaddu ku wareejin lahayd haamaha shidaalka Berbera.

WARSUGANNEWS

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here