Neymar ; Brazil Ma Ahaa Koox Ku Dhisan Hal Ciyaaryahan Oo Keliya Balse Waa Koox HaysataCiyaaryahano WaaWeyn Buuxin Kara Boos Kasta Oo Banaanaada

0
451

Neymar ; Brazil Ma Ahaa Koox Ku Dhisan Hal Ciyaaryahan Oo Keliya Balse Waa Koox HaysataCiyaaryahano WaaWeyn Buuxin Kara Boos Kasta Oo Banaanaada

Hargeisa (WARSUGANNEWS)Neymar , ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Brazil aya sheegay in xulka qaranka Brazil aanu ahayn koox ku dhisan oo ku tiirsan weeraryahan keliya balse ay tahay koox wada shaqeyn kooxeed ku dhisan .

Kooxda xulka qaranka Brazil ayaa guul ka gaadhay labadii kulan ee u danbeeyey iyada oo kaga guulaysatay kooxda USA 4-1 ,iyada oo sidoo kale kulankii ugu danbeeyey ay ku garaacday kooxda Costa Rica 1-0.

‘’Brazil waa koox weyn isla markaana haysata ciyaaryahano waaweyn oo buuxin kara boos kasta oo banaanaada , Brazil ma aha koox ku dhisan oo ku tiirsan hal ciyaaryahan oo keliya balse waa koox weyn oo leh ciyaaryahano waaweyn waanan ku hambalyeynayaa guushii ay gaadheen’’ sida waxa yidhi Neymar .

Neymar aya sidoo kale isaga oo ka hadlaaya kulankii ugu danbeeyey hambalyeeyey ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara xulka Brazil ee Douglas Costa , isaga oo ka hadlaayana waxa u yidhi ‘’ Douglas Costa waxa uu hanaan ciyaareed fiican ugu soo ciyaaray kooxda Bayern Munich sidoo kale Brazil ayuu si fiican ugu ciyaaray ,isaga oo hanaan ciyaareed qurux badan soo bandhigay labadii kulan ee ugu danbeeyey ‘’.

Neymar , weeraryahanka xulka qaranka Brazil iyo Barcelona aya kulanadii u danbeeyey lagu dhaleecaynayey in aanu ka soo bixin kaalinta hogaamineed ee e kooxda Brazil iyada oo lagu dhaliilay inuu aanu u bislaanin hogaaminta xulka qaranka Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here