Barcelona Weli Waxay Haysataa Ciyaaryahanada Ugu Fiican Caalamka –Xavi

0
428

Barcelona Weli Waxay Haysataa Ciyaaryahanada Ugu Fiican Caalamka –Xavi

Hargeisa (WARSUGANNEWS)Xavi aya aaminsan in kooxdii u hore ugu soo ciyaari jiray ee Barcelona ay weli tahay koox aad u fiican isaga oo sheegay in weli ay haysato ciyaaryahanada ugu fiican caalamka .

Xavi aya wakhti xaadirkan ku sugan wadanka Qatar, isaga oo xilli ciyaareedkan ku biiray koox ka dhisan wadankaas ka dib markii uu heshiiskii kula jiray kooxda Barcelona u ka dhammaaaday , isaga oo soo afmareey wakhti aad u dheer oo u ka tirsana kooxda Barcelona .

‘’ Barcelona weli waxa ay haysataa ciyaaryahanada ugu fiican caalamka isaga oo Luis Enrique uu yahay macalinka ugu fiican isaga oo guul gaadhsiiyey kooxda Barcelona , Barcelona waxa ay haysataa ciyaaryahanada ugu fiican caalamka ‘’.

Xavi aya isaga oo hadalkiisa si wata ka hadlay macalinka kooxda Manchester United ee Luis Vaan Gaal ,isaga oo ka hadlaayana waxa uu yidhi ‘’waa tababare la yaab leh isla markaana khibrad leh , waxa aanu yahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican caalamka ‘’.

Xavi aya isaga oo hadalkiisa si wata ka hadlaya macalinka kooxda Bayern Munich ee Pep Guardiola isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah tababarayaasha caalamka ugu kartida badan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here