Luis Vaan Gaal Iyo David De Gea Oo Ku Balansan Wada Hadalo Ka Hor Kulanka Manchester United Iyo Liverpool

0
410

Luis Vaan Gaal Iyo David De Gea Oo Ku Balansan Wada Hadalo Ka Hor Kulanka Manchester United Iyo Liverpool

Hargeisa (Warsugannews)Tababaraha kooxda Manchester United ee Louis Van Gaal iyo goolhayaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Man United ee David De Gea ayaa la filayaa inay yeeshaan wada hadalo ka hor kulanka ay Man United kooxda Liverpool ay ku soo dhawayn doonto Old Trafford. Van Gaal ayaa hore kursiga kaydka u dhigay De Gea tan iyo bilawgii xili ciyaareedkan, laakiin De Gea ayaa xalay ku bilawday shaxda xulka qarankiisa Spain, wuxuuna garoonka kala baxay shabaq nadiif ah. Wararka ayaa sheegaya in Van Gaal uu ugu danbayn shaxdiisa ku soo dari karo De Gea kulanka ay Man United sabtida la ciyaari doonto kooxda Liverpool. Kadib markii uu kulankiisii xili ciyaareedkan ugu horeeyay uu De Gea xalay saftay ayuu sheegay inuu eegi doono nasiibkiisa Man United wuxuuna De Gea oo ka hadlayay ku bilaabashadiisii Spain uu yidhi: ” Wanaag ayaan dareemayaa. Runtii waan jeclaystay inaan markale ciyaaray. Waxaan sii wadi doonaa shaqada, waxaanan eegi doonaa inaan nasiib ku yeesho kooxdayda”.

De Gea ayaa sheegay inuu taageero badan ka helay ciyaartoyda ay isku xulka qaranka Spain yihiin wuxuuna yidhi: “Taageerada aan helay waa mid aad aniga muhiim iigu ah. Waxaan haystaa ciyaartoy muhiim ah oo aanu isku koox nahay dhamaantoodna waan uga mahad celinayaa”.

De Gea ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa wuxuuna yidhi: “Mustaqbalkaygu wuxuu la mid ahaan doonaa sida uu hadda yahay. Waan deganahay, waxaan sii wadi doonaa shaqada iyo inaan hurmar sameyo. warka oo gaaban waxaan ku raaxaysanayaa ciyaarista kubbada cagta waanan ku faraxsanahay”.

Iyada oo Man United kulankii hore guuldaro kala kulantay kooxda Swansea City ayaa la eegi doonaa waxa ka soo baxa wadahadala la filaayo inuu Van Gaal la yeesho De Gea iyo inay xaalada wax ka badali doonaan. De Gea ayaa markii uu soo dhamaystay waajibaadkii xulka qarankiisa Spain dib ugu soo laabtay Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here