Waa Kuma Weeraryahanka Ugu Fiican Ingiriiska?

0
1081

Waa Kuma Weeraryahanka Ugu Fiican Ingiriiska?

Hargeysa(Warsugannews) Dalkan Ingiriiska waxaa maanta looga dabbaaldegay taariikh cusub oo ay dhigtay boqoradda Elizabeth 2aad oo noqotay qofkii ugu xukunka dheeraa intii ay jirtay boqortooyada Ingiriisku kaddib markii ay taajka boqortooyada haysay muddo 63 sano ah.

Hase ahaatee waxaa kaloo maanta taariikh cusub dhigay xiddigga kubadda cagta ee Ingiriiska Wayne Rooney kaddib markii uu xalay jebiyay taariikhdii Sir Bobby Charlton oo xulka qaranka Ingiriiska ka tirsanaan jiray sannadihii 1960-yadii oo waqtigaas dalkiisa u dhaliyay 49 gool, isla markaana ka mid ahaa kooxdii qaadday koobka adduunka sanadkii 1966-dii.

Rooney xalay ayuu goolkiisii 50aad ka dhaliyay xulka dalka Switzerland oo 2 – 0 ay uga badiyeen xulka Ingiriisku. Goolka 1aad waxaa dhaliyay Harry Kane oo ciyaarta beddel ku soo galay iyadoo 0-0 la isku mari la’yahay.

Haddaba, dooddu waxay tahay waa kuma ciyaartoyga ugu wanaagsan xagga weerarka ee taariikhda soo maray Ingiriiska?

Khubarada BBC iyo taageerayaasha kubbadda cagta ayaa arrintan ka dooday kaddibna ra’yi u codeeyay.

Wayne Rooney waxaa uu galay kaalinta 5aad isagoo helay 8% codadkii la dhiibtay. Waxaana doodda ku guulaystay Gary Lineker oo helay 33% inuu ahaa weeraryahankii ugu fiicnaa ee soo mara xulka qaranka Ingiriiska.

Waxaa ku xigay:Bobby Charlton 17%, Jimmy Greaves 24%, Michael Owen 4%, Nat Lofthouse 2%, Alan Shearer 11%, Tom Finney 2%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here